"Xadhiga Siyaasi Rashiid Gaaruf, Waxaannu Aragnaa Aar-goosi Siyaasaddeed" Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buunni Gaab).

0
Saturday February 22, 2025 - 21:10:04 in by xasan siyoore
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xadhiga Siyaasi Rashiid Gaaruf, Waxaannu Aragnaa Aar-goosi Siyaasaddeed" Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buunni Gaab).

    Hargeysa (QMN)-"Xadhiga Siyaasi Rashiid Gaaruf, Waxaannu Aragnaa Aar-goosi Siyaasaddeed" Cabdinaasir Muxumed Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)-"Xadhiga Siyaasi Rashiid Gaaruf, Waxaannu Aragnaa Aar-goosi Siyaasaddeed" Cabdinaasir Muxumed Xasan
 (Buunni Gaab), Af-hayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE, Ayaa Ka Hadlay Siyaasi Rashiid Gaaruf Oo Ay Xukuumadda JSL Ee Uu Hogaamiyo Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ay Xabsiga Dhigtay.

Siyaasi Rashiid Gaaruf Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE, Ayaa Xadhigiisu Ka Dambeeyey, Kadib Markii Uu Sheegay Innuu Caafimaadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Uu Wakhtigan Aad U Liito, Isla-markaana Uu Madaxweynaha Dalka WADNAHA QALNIIN Lagaga  Sameeyey Oo Aannu Guddan Karin Waajibaadka Shaqadda Dastuuriga Ah Ee Loo Doortay.

Rashiid Gaaruf Oo Bartiisa Facebook-ga Ku Daabacay Qoraal Uu Kaga Darriyey Caafimaadka Madaxweynaha Dalka, Ayey Ciiddamadda Amaanka Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Ay Maanta Xabsiga U Taxaabeen.

Siyaasi Rashiid Gaaruf, Ayaa Noqonnaya Masuulkii U Horeeyay Ee Xisbiyadda Mucaaridka Ka Tirsan Ee Ay Xidho Xukuumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro, Tan Iyo 13-kii November 2024-ka Ee Hogaaminta JSL Loo Doortay.

Geesta Kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Iyo Amniga Qaranka Ee JSL Md Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere), Ayaa Sheegay Inay Xukuumaddiisu Gacan Bir Ah Amaanka Dalka Ku Hayso, Isagoo Sheegay Innuu Xidhayo Cid Kastoo Amniga Qaranka Wax U Dhimmaysa 

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured