![]() Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Mission Office iyo Liaison Office?.
1.Mission Office: Mission Office waa xafiis rasmi ah oo matalaad buuxda u ah hay'ad ama dowlad ku sugan dal kale. Waxaa
inta badan adeegsada:
• Dowladaha (e.g. safaarado ama qunsuliyado)
• Hay’adaha Qaramada Midoobay ama kuwa caalamiga ah sida WHO, UNDP, iwm.
Astaamaha Mission Office:
• Waxay leedahay matalaad rasmi ah oo buuxda.
• Waxay fulisaa hawlaha rasmiga ah ee hay’adda ama dowladdaasi.
• Waxaa laga yaabaa in ay leedahay shaqaale badan, miisaaniyad gooni ah, iyo awood sharciyeed.
• Waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay "xafiis rasmi ah” oo leh xiriir toos ah oo heer sare ah.
Tusaale:
• Safaaradda Maraykanka ee Kenya → Mission Office
• UNDP Somalia and Somaliland Office → Mission Office.
2. Liaison Office.
Liaison Office waa xafiis iskaashi ama wakiilnimo u qaabilsan xidhiidh u dhexeeya laba hay’adood ama hay’ad iyo dowlad. Waa xafiis aan lahayn awood fulineed weyn.
Astaamaha Liaison Office:
• Waxay u adeegtaa sidii xafiis wakiil ah ama xidhiidhiye ah.
• Looma ogola inay qabato ganacsi ama hawl fulin toos ah (sida NGO-yo kale ama ganacsiyo kale).
• Waxay fududeysaa isfahanka, xidhiidhka, ama tababarrada u dhexeeya labada dhinac.
• Waxay leedahay shaqaale yar iyo hawlo kooban.
Tusaale:
• Xafiiska xidhiidhka ee hay’ad NGO ah oo Ethiopia ku leedahay Kenya → Liaison Office
• Liaison office of African Union in Somalia (AU Liaison Office) – kaliya waa xidhiidhiye , maaha xafiis go’aan qaadasho.
Haday shalay Somaliland ka joogtay dalka Kenya darajada Liaison office oo ay maanta u dalacday Mission office waa talaabo dhanka horumarka loo qaaday barina Safarad ayaa xigi doonta insha Allah.
Qaranimadda iyo xisbinimaddu ha inoo kala duwanaato.
Waxa qoray Mukhtaar Maxamed Cali
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Mission Office iyo Liaison Office?.
1.Mission Office: Mission Office waa xafiis rasmi ah oo matalaad buuxda u ah hay'ad ama dowlad ku sugan dal kale. Waxaa