"

0
Thursday May 29, 2025 - 21:41:57 in by Super Admin
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "

    Sidda aan is leeyahay Siyaasaddu waa Nidaam- Maamul oo aad qaab Xeeladaysan (Trickes) u marayso, Si baanay isugu xidhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda aan is leeyahay Siyaasaddu waa Nidaam- Maamul oo aad qaab Xeeladaysan (Trickes) u marayso, Si baanay isugu xidhan
 tahay Sida Shaxda oo kale ah haddii ay kaa qaldanto midhkii aad qaadi lahayd waxa laga yaaba inaad Mahlako ku gasho adigu wax kuu soo kordha iska Daaye, Had iyo jeer Xukuumadda Maxkamadaha waxay Dadka yaqaanaa ku dadaalaan, in Xukumada hore iyaga loo Xukumo,Taas Marka aad doonaysona Waa inaad Samaysataan loyer Sharci yaqaana oo aan si yar Doodiisa lagu Jabin karin, Dabcan loyarkaasi waxaad ku talo-gelaysaa in bayments u Qaadanayaa ay aad uga Sarayso loyarada kale, halkaas waxaa kaaga iba furmaaya inaad Xukumada kale ee jaranjarta Maxkamaduhu maraan Aad ku guulaysato.

Sidaa Si la mid ah, Marka aad Doonayso inaad Duplamacyada iyo Xidhiidhkaaga Debeda ku guuleysato, Waxaa kugu waajib ah inaad Socdaalkaaga ka Bilowdo Wadamada Aad la leedahay Saaxiibtinimada Dhabta ah,Si aad u Hesho Badhitaar Siyaasaddeed oo kor kuu qaada, Somaliland Saaxiibadeeda Dhabta ahi Waa Macaruf Waa Imaaraadka, Ethopia, Uk, Maraykanka, ETC, Waynu arkaynay Imaaraadka Socdaalkii oficialka ahaa ee labaad Qiimaha aynu ka helnay, Socdaalka labaad Wuxuu ahaa Ethopia, Godkaasi Sida aan is leeyahay waynu khaladnay, Djabouti ayeynuna tagnay, kii Sadexaadna waxaynu ka dhignay Kenya, Waxad Moodaa inteena badan inay iska keen gasho Somalinimo iyo Saaxiibtinimo.

Dhibaataddii Socdaalkii Djabouti inaga Soo raacday ayaa ilaa kenya inala Gaadhay, Runtii Madaxweynaha Qaranku waa Qarankii Somaliland oo qof ah, Cadawgeenu dhibka uu ina gaadhsiiyo ma Wacna kor u qaadistiisu Waa inaynu Daan-jariidka iska gelinaa oo aynaan Axlaynaga maqlin., Sidoo kale  waxaase waajib inagu ah inaynu Cadawgeena iyo Nasteexeena kala naqaano Dawlad iyo Shiciba, oo aynaan noqon dad ay wax iskaga mulaaqan yihiin.

Waxa kale oo Dawladana ku waajib ah, inay Xaqiiqsato inaanay jirin Cid shaqsiyaad la  Col ahayd, Balse ay jiraan Umado, ashkhaas, Dawlado jiritaanka Somaliland la Col ahi, waa Sax wixii qaab farsamo ah loo dhex-mari karaayo, Waa inayse markasta Cadawaada ay kuu qabaan Xajmiga ay leedahay kuu Qiyaasan tahay.

Siyaasiga Iyo in-dheer garadka Somaliland u dhashayna waxa iyana ku waajib ah haddii Colaadda intan leegi inagu Xeeran tahay inana aynu isku maqnaano waxay hiil u noqonaysaa Cadawga, Mucaaridadii Bilaa tudhaalaha ahayd waxay ina dhaxalsiisay waynu ognahay, haddii la sii wadona waan layna waayayaa, Laba ayey Doorashadeedu inoo taalaa, Inaynu si Xun Cadawgeena ugu jabno iyo inaynu  is dhawrano oo tumaatida Cadawga ka nabad-galno.

Waxa iyana Biyo-kama dhibcaan inaynu dirano  dad Aqoon u leh, hawlaha adag ee ina horyala, oo aan dooda, kartidooda, & Aaminkoodaba  la jabin karin.

Sidaa daraadeed,Anigu halka ay dad badani Xisbiyada Mucaridka ka dhalilayaan, waxan is leeyahay Maanta arrin mucaarid iyo waxasi meesha ma yaaliin, Cadawga in meel looga soo wada jeesto ayaa meesha taala.oo meel laga wada duulo oo keliya.

Halyey Hormuud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured