![]() Iskushaandhaynta Wasiiradda JSL Iyo Wasaaradda Isbedelka Ugu Horeeya Laga Filayo.
Iskushaandhaynta Wasiiradda JSL Iyo Wasaaradda Isbedelka Ugu Horeeya Laga Filayo.
Rag magacaabis ayay filayaan, ragna eriskoodii ayaa miiska saaran.
1. Wasaaradda Cadaaladda
Iyadoo Madaxweynaha JSL, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (#Cirro), uu weli qiimaynayo waxqabadka xukuumaddiisa cusub,iyo buuxinta jagooyinka weli ay joogaan xisbigii hore, ayaa ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in isbeddel wasiirro ah la filayo dhawaan. Wasiirka ugu horreeya ee si weyn loogu saadaalinayo in xilka laga qaado ayaa ah Wasiirka Caddaaladda, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, kaas oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan, ku guul-darraysiga hirgelinta isbeddel ay dadweynuhu aad u sugayeen iyo taab-gaabnida aqooneed iyo khibradeed.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay wasiir Yoonis, wax horumar ah ama isbedel ah laguma arkin Wasaaradda Caddaaladda. Sharciyo cusub lama keenin golayaasha, xeerar u baahan dib-u-eegista lama samaynin, waxaana tusaale inoogu filan in maanta wali dalka laga adeegsado xeerkii ciqaabta guud (Penal Code Laws) ee 1960-meeyadii laga dhaxlay gumaystihii iyo Somali Republic.
Maxkamaduhu waxay maanta shaqeeyaan iyaga oo aan la kormeerin, dacwad-oogayaasha ama xeer-ilaalintana lama ilaaliyo hab-maamuuskooda iyo shaqadooda. Waaxda Caddaaladdu waxay noqotay mid aan isbedel ka dhicin.
Intaa waxaa ka sii daran, xadhigga sharci-darrada ah oo lagula kacayo muwaadiniinta aan wax dambi ah gelin. Tusaale cad ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa, halkaas oo #Xirsi, oo ah oday 70 jir ah, ku xidhan yahay saldhigga Qudhac Dheer muddo sanad ku dhow. Sababta loo xidhay ayaa ah lacag la sheegay in uu qaatay markii la guursaday gabadhiisa, taasoo ninkii ka guursaday u kaxaystay oo uu geeyay waddanka Maraykanka kadibna uu iskaga tegay gabadhii. Maxkamaduhu waxay oday Xirsi ku xukumeen inuu bixiyo lacag u dhaxaysa $2,000 ilaa $4,000, kadibna xukun kale ayaa ka dhigay inuu bixiyo ilaa $18,000 oo ah kharashkii ninku ku bixiya guurkii gabadha. Si aan la rumaysan karin ayay maxkamadda sare ayaa ku xukuntay inuu bixiyo odaygu in ka badan $60,000 oo ay ku sheegtay inay tahay "magdhaw maaliyadeed iyo mid maskaxeed” (moral compensation) in la siiyo ninkii gabadha Maraykanka u kaxaystay. Xirsi, oo ah oday aan shaqaysan karin, ayaa hadda u xidhan lacag dulmi ah, iyadoo aan rafcaanba loo ogolaanin. Kiiskan waxa uu noqday astaan muujinaysa sida ay cadaaladdu hoos ugu dhacday.
Arimahan noocan ah Xirsi kali kuma aha. Boqolaal muwaadiniin ah ayaa xabsiyada ugu jira xukuno iyo xadhig sharci-darro ah, iyaga oo aan helin garsoor xor ah, difaac sharciyeed, ama xorriyad aasaasi ah.
TUSAALAYAAL KALE:
Waxaa kale oo Somaliland caan ka ah in dadka la xidho weli lagu qaado baabuur furan oo xaajiyado pickup ah u badan, iyaga oo silsilado ku katiinadaysan. Eedeysanayaasha ayaa lala dhexmaraa magaalada iyadoo wejiyadoodu muuqdaan, kuna shaabadaysan dembiilayaal. Tani waa mid meel-ka-dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyo dhaqanka caddaaladeed oo ay tahay in ay wasaaraddu ilaaliso, eedeysane kasta iyo xukunsane kasta sharaftiisa.
Waxaa sidoo kale caadi noqotay in dadka boolisku qabto aan la hor keenin maxkamad 48 saacadood gudahood, sida uu sharcigu qabo, balse la codsado in 7 maalmood oo Rumaan ah ama xabsi ku hayn ah, taasoo marar badan ku dambeysa bilo xabsi ah. Dadkaasi waa la sii daayaa kadib iyada oo aan wax dambi ah lagu helin, lagamana bixiyo magdhow dhaawicii jireed iyo maskaxeed ee ay la kulmeen ee xabsi ku haynta.
Dhinaca kale, Wasiirka Caddaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid ka mid ah wasiirrada ugu aqoonta hooseeya xukuumadda, taasoo su’aal gelinaysa kartidiisa hogaamineed iyo fahamka nidaamka caddaaladda.
Madaxweyne Cirro waxa uu shacabka u ballanqaaday in uu keenayo isbeddel dhab ah, cadaalad hufan, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. Haddii ballanqaadkaas la doonayo in la xaqiijiyo, tallaabada koowaad waxay tahay in xilka laga qaado wasiirka aan gaadhin filashadii laga sugayay.
Sidaas darteed, Mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa noqonaya wasiirka ugu horeeya ee uu shacabka Somaliland iyo khubaradu filayaan in Madaxweyne Cirro xilka ka qaado — si loo badbaadiyo sumcadda wasaaradda, loo ilaaliyo cadaaladda, loona fuliyo ballanqaadyadii loo sameeyay shacabka Somaliland.
FG: Tusaalaha oday Xirsi waxaa bulshada la wadaagay Garyaqaan Mandeela Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Iskushaandhaynta Wasiiradda JSL Iyo Wasaaradda Isbedelka Ugu Horeeya Laga Filayo.
Iskushaandhaynta Wasiiradda JSL Iyo Wasaaradda Isbedelka Ugu Horeeya Laga Filayo.