![]() Doorka Somaliland Ee Geeska Afrika Iyo Isbeddelka Siyaasadda Dibadda.
Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ah dal dimuqraadi ah oo leh nidaam sharciyaysan, doorashooyin xor ah, iyo hay'ado qaan-dheer
oo dastuurku dhisay, waxa ka go’an ilaalinta xasilloonida Geeska Afrika, horumarinta iskaashiga goboleed, iyo xoojinta danaha ay wadaagaan dalalka deriska ah.
1-da January 2024, Somaliland waxay si rasmi ah heshiis is-afgarad ah (Memorandum of Understanding) ula saxeexatay Dowladda Federaalka Itoobiya, si ay u hesho marin baddeed oo nabdoon, taas oo loo arkay tallaabo istiraatiiji ah oo ku salaysan dan-wadaag iyo horumar dhaqaale. Jamhuuriyadda Somaliland si masuuliyad leh ayay u fulisay qaybteedii heshiiska.
Hase yeeshee, wax ka yar saddex bilood kadib, Dowladda Itoobiya waxay qaaday tallaabo lama filaan ah, iyadoo si toos ah uga degay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, taasoo si cad uga hor imaanaysa mabaadi’da xurmeynta heshiisyada caalamiga ah iyo nidaamka deris-wanaagga. Tallaabadaasi waxay dhaawacday kalsoonidii la filayay inay ka dhalato is-afgaradkaas istiraatiijiga ah.
13-ka November 2024, shacabka Somaliland waxay si dimuqraadi ah u doorteen Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo bilaabay wejigii labaad ee diblomaasiyadda Somaliland, kuna salaysan biseyl siyaasadeed, dulqaad, iyo dan-qaran. Madaxweynaha cusub waxa uu aqbalay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Djibouti, halka uu si masuuliyad leh uga baaqsaday casuumaaddii Itoobiya – tallaabo muujinaysa tixgelin qaran iyo aragti diblomaasiyadeed oo qoto dheer.
Dowladda Djibouti waxay muujisay rabitaan iskaashi wax ku ool ah, iyadoo ballan qaaday inay dekedo ka dhisi doonto xeebaha Somaliland. Waxa intaa dheer, Madaxweynaha Somaliland waxa uu booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Kenya, halkaas oo si rasmi ah looga furay safaaradda Somaliland – safaaraddaas oo kamid noqon doonta safaaradaha Geeska Afrika Somaliland ku leedahay waxayna beddeshay xafiiskii hore ee isku xidhka (liaison office), waxaana la dhisay safaarad dhameystiran oo leh waaxyaha siyaasadda, ganacsiga, socdaalka, iyo xidhiidhka caalamiga ah.
Furitaanka safaaraddan waxay calaamad u tahay jiho cusub oo ka madax-bannaan ku-tiirsanaantii hore ee Addis Ababa, waxayna xoojinaysaa sumcadda Somaliland ee gobolka. Tallaabadan ayaa sidoo kale ah mid istiraatiiji ah oo lagu muujinayo in Somaliland ay diyaar u tahay la macaamil dhab ah oo miisaan leh, iyadoo door muhiim ah ka qaadanaysa arrimaha gobolka. Is-afgarad buuxa oo lala gaaray dowladda Kenya, iyadoo la kaashanayo kaalinta dhexdhexaadinta ee Mareykanka, ayaa sii xoojiyay xidhiidhka laba geesoodka ah.
Somaliland waxay mar walba diyaar u tahay iskaashi dhab ah oo wax ku ool ah, balse waxay si cad u sheegaysaa in aanay aqbalayn wax kasta oo dhaawacaya madax-bannaanideeda, sharafta qarankeeda, iyo danaha istiraatiijiga ah ee shacabka reer Somaliland. Dowladda Itoobiya, iyadoo hore u dayacday fursado muhiim ah oo ay ku dhisi lahayd xidhiidh istiraatiiji ah sida (DP World iyo MoU), ayaa hadda wajahaysa khasaare diblomaasiyadeed oo ay adkaan doonto in laga soo kabto.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si niyad sami ah u sii wadi doontaa dariiqa kasta oo ay beesha caalamka kaga heli karto aqoonsi buuxa oo horseedi doonaa nabadda, horumar, iyo midnimada shacabkeeda, iyadoo ay hagayaan mabaadi’da madax-bannaanida, sharciyadda, iyo daacadnimada arrimaha dibadda.
Century Law Firm. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Doorka Somaliland Ee Geeska Afrika Iyo Isbeddelka Siyaasadda Dibadda.
Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ah dal dimuqraadi ah oo leh nidaam sharciyaysan, doorashooyin xor ah, iyo hay'ado qaan-dheer