![]() Ciiddanka Booliska Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Oo Hawlgallo Culus Oo Ay Ka Fuliyeen Guddaha Caasimadda, Kusoo Ururiyey Noocyadda Hubka Aan Dhicin.
"Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Amarro Culus Farray Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Amaanka Dalka U Qaabilsan"
Hargeysa (QMN)- Ciiddanka Booliska Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa, Ayaa Hawlgallo Culus Oo Ay Ka Fuliyeen Guddaha Caasimadda Kusoo Ururiyey Hubka Aan Dhicin, Balse Si Arxan Darran U Adeegsaddaan Dadweynuhu, Isla-markaana Ajallo Baddan Gallaafay Maalmihii U Dambeeyey.
Ciiddanka Amaanka, Ayaa Hawlgalladdan Kusoo Ururiyey Noocyadda Hubka Aan Dhicin Ee Ay Ka Mid Yihiin, Mindiyaha, Faashashka, Soodhadhka, Budhadhka Iyo Baangadaha.
Hawlgalka Ciiddanka Booliska Ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland Ee Hargeysa, Ayaa Ka Dambeeyey, Kadib Markii Muddooyinkii U Dambeeyey Si Yaabo Kala Duwan Loogu Dilay Dad Magaallooyinka Dalka, Gaar Ahaan Caasimadda.. Iyaddoo Adeegsannayo Noocyadda Hubkan.
Geesta Kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Amray Hay'addaha Amaanka Inay Gacan Bir Ah Ku Qabtaan Amniga Guud Ahaanba Dalka JSL, Isagoo Madaxweynuhu Faray Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Amaanka Dalka U Qaabilsan Inay Waajibaadkoodda Ka Gutaan Cid Kastoo Amniga Qaranka Waxyeellaysa, Isla-markaana Ay Sharciga Marayaan Tallaabooyin Adagna Ka Qaaddaan.
Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Ciiddanka Booliska Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Oo Hawlgallo Culus Oo Ay Ka Fuliyeen Guddaha Caasimadda, Kusoo Ururiyey Noocyadda Hubka Aan Dhicin.
"Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Amarro Culus Farray Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Amaanka Dalka U Qaabilsan"