![]() 37 Sanno Ka Hor Iyo Guddo-galkii SNM Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.
37 sanno ka hor caawa oo kale 31/5/1988 iyo Gudogalkii Hargaysa: Guutooyinkii SNM ee Hargaysa Soo Galay 31/5/1988-kii
Waxa Qoray :- Cali Cabdi Coomay
Saddex ciidan oo SNM ahaa ayaa Hargaysa soo galay, kuwaasi oo kala ahaa:
- Guutaddii Sayid Cumar oo uu hogaaminaayey Muj. Maxamed Cilmi Galaan oo imika nool.
- Guutaddii Sancaani oo uu hogaaminaayey Muj. Aadan Cadde ‘ AHN’
- Guutaddii 20-naad oo uu hogaaminaayey Muj. Axmed Dhagax ‘ AHN’.
Isku geynta ciidamadaasi waxa ay dhammaayeen 1,100 oo askari oo kolonyo ahaa iyo 150 askari oo dhinacyada ka ilaalinaayey,
Saddexdan ciidan waxa taliska sare u kala ahaa, Muj. Ibraahin Dhagweyne oo ahaa abaanduulaha guud, waxa ku xigay Muj. Dayid Guray, waxa ku sii xigay Muj. Muuse Biixi, waxa ku sii xigay Muj. C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Muj. Cabdilaahi Askar iyo Muj. C/raxmaan Axmed Dhool-dahable.
Dagaalladii ay ciidamadani galeen:
- Waxa ay aroornimadii ka soo dhaqaaqeen Balay Samatar oo ah gudaha Itoobiya iyaga oo isku dhan. 4:00 galabnimo ayey soo gaadheen Sheekh Mooldhe, waxaanay dagaal la galeen ciidan goobta joogay, way ka xoog-roonaadeen.
- Waxa ay 5:00 galabnimo soo gaadheen Fahda oo Masalaha Hargaysa koonfur ka xigta. Waxa uu dagaal dhexmaray ciidan laba Baybay wata oo waddada Gadhagol ka yimid. Dagaal qadhaadh ayaa dhexmaray, labadii Baybay midna jar ayuu ka dhacay kii kalena wuu baxsaday. 30 miridh ayey dagaalamayeen.
- Ciidan shan kaare wata ayey haddana fooda is-dareen, waxaanu dagaalkaasi gaadhay ilaa 7:30 habeenimo. Shanti Kaare ayaa dib u gurtay,
Way soo dhaqaaqeen ciidamadii SNM waxa ay 12:00 habeenimo soo gaadheen Sheekh Cumar oo Hargaysa koonfur galbeed ka xiga. Ciidankii Sancaani wuxuu ka soo dhaadhacay Isha Boorama oo Birjeex ayuu galay.
Ciidankii Sayid Cumar wuxuu galay xerada qaybta 26-naad oo imika ah taliska ciidanka qaranka Soomaalilaan. Ciidankii 20-naad waxa ay jareen waddada galbeedka Hargaysa ee laamiga ah. Sidaasi ayey dagaallada gudaha Hargaysi ku bilaabmeen.
Tixraac: Buugga Mahadhooyinkii SNM (2018)………Maxamed Cilmi Galaan. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
37 Sanno Ka Hor Iyo Guddo-galkii SNM Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.
37 sanno ka hor caawa oo kale 31/5/1988 iyo Gudogalkii Hargaysa: Guutooyinkii SNM ee Hargaysa Soo Galay 31/5/1988-kii