Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Muxuu Ka Yidhi Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Joogo Dalka Kenya.

0
Sunday June 01, 2025 - 20:21:03 in by Super Admin
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Muxuu Ka Yidhi Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Joogo Dalka Kenya.

    Dr. Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray
kaga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee xafiiska Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu yidhi;

"Xafiiska dhismaha cusub ee loo raray Wakiilka Somaliland ee magaaladda Nairobi ee waddanka Kenya furitaankiisa waan bogaadinayaa, waana sharaf iyo wanaag u soo kordhay shacabka Somaliland.

Xukuumadihii Somaliland ee kala danbeeyey mid weliba meeqaamka xafiiska wax bay ku soo kordhinaysay. Waxaa heer diblomaasiyadeed bilaabay Madaxweyne Cigaal Ilaahay haw naxariistee oo 1995-kii la kulmay Madaxweynihii Kenya xilligaasi ee Daniel Arap Moi.

Waxaa inay Somaliland xafiis ku yeelato Kenya la bilaabay 2006-dii oo waftigii Madaxweyne Rayaale oo booqasho rasmiya ku tegay Kenya bishii June ee sanadkaasi 2006 dii.

Anigu xiligaasi waxaan ku noolaa magaaladda Nairobi ee Kenya oo aan ka shaqeyn jiray, ahaana madaxa Baanka Maraykanka ah ee Citibank. Kolay aniga iyo dad kale waxaanu ka mid ahayn dadkii udub-dhexaadka ahaa ee ka shaqeeyay safarkaa Madaxweynaha iyo balamihii uu ku lahaa waddankaasi, maadaama aanay Somaliland xilligaasi aanay ku lahayn xafiis rasmiya.

Madaxweyne Daahir Riyaale wuxuu booqasho rasmiya ku yimid wadanka oo uu kula kulmay Madaxweynihii Kenya Kibaki. Xafiiskayga ayaan waraaqdii balanta Madaxweynaha Kenya ugaga soo diray fax oo ahayd aaladdii berigaa la adeegsan jiray oo aan u soo diray Madaxtooyada Somaliland aniga iyo Wasiir Cawil Cali Ducaale oo wada fadhina oo waftiga ka soo horeeyey.

Waxaan ka mid ahaa dadkii gooni ula baxay Madaxweyne Rayaale ee u soo jeediyey in xafiis laga sameeyo Kenya, waxaana ila socday Saleebaan Jirde oo United Nations-ka xilligaasi u shaqayn jiray. Weliba waxaanu u keenay ninkii aanu u aragnay Community ahaan inuu mateli karo oo ahaa Ilaahay haw naxariistee Ambassador Maxamed Nuur Indho-buur.

Madaxweynuhu wuu naga aqbalay halkaasayna markii ugu horeeysay Somaliland xafiis rasmiya oo wakiil ku yeelatay waddanka Kiiniya. Safarkaasi Madaxweyne Rayaale shan waddan oo kalena oo Afrika wuu ku soo maray, waxaana diyaaradiisii ku qaaday Korneyl Faarax. Dadkii asal ahaan ka soo jeeday Somaliland ee Kenya ku noolaa waxba kamay hakran sida imikaba ka muuqata safarkan Madaxweyne Cirro.

Madaxweynayaashii ka danbeeyey Rayaale iyaguna xafiiskii Kenya way sii balaadhiyeen oo shaqaale kalena waa ku soo dareen. Imikana waakaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro xarun cusub xadhiga uga jaray. Waa Ilaahay mahaddii wax badan baa u soo qabsoomay Somaliland, wax badana waa u dhiman yihiin, kolay laakiin ha la ogaado weli maaha Somaliland waddan la aqoonsan yahay, cidna laguma eedayn karo ee waa masuuliyad ummadda iyo madaxda oo dhan dusha ka saaran, uma baahna xag-xagasho iyo weliba in aynu is hambalyeeyno shaqo adag baa kuli ina wadda sugaysa, gaar ahaan kuwa xilalka loo dhiibay.

Waa sax in dhexdeena la is mucaarido, laakiin waa kolka safarku soo dhamaado ee la is qiimeeyo. Kolay qolooyinka xilka hayaana in la saxo ha ogolaadaan, kuwa mucaaridkuna kolkuu safarku soo dhamaado qiimeyn ha ku sameeyaan," ayuu yidhi Dr. Jamaal Cali Xuseen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured