![]() Cabdixakiim Camey Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland.
Garoowe [QMN]- Golaha wakiillada ee Puntland ayaa u doortay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar (Camey). Xilkan oo ay 10 murashax u tartameen waxaa wareeggii ugu dambeeyey isugu soo baxay Murashax C/xakiim C/laahi Cumar (Camey) iyo C/laahi Cali Xirsi (Tima-cade).
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xasan Shire, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyey in guushu ay raacday C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey).
Madaxweyne ku-xigeenka cusub oo cod aqlabiyad leh ku guuleystey ayaa helay 48 cod oo kamid ah codadka 66-da xubnood ee Baarlamaanka Puntland uu ka kooban yahay, halka C/laahi Cali Xirsi (Tima-cade) uu helay 16 cod.
Taariikh noloeedka madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo kooban dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.
Qumannews.com Hargeysa/Office. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Cabdixakiim Camey Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland.
Garoowe [QMN]- Golaha wakiillada ee Puntland ayaa u doortay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar (Camey). Xilkan oo ay 10 murashax u tartameen waxaa wareeggii ugu dambeeyey isugu soo baxay Murashax C/xakiim C/la