Hogaamiyihii 5-ta Daqiiqo Isku Kay Baray Ee Aannan Mardambe Barasho Uga Baahan!.

0
Monday June 02, 2025 - 21:16:28 in by Super Admin
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyihii 5-ta Daqiiqo Isku Kay Baray Ee Aannan Mardambe Barasho Uga Baahan!.

    Madaxwayne Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi Cigaal - Cirro waxaanu markii u horaysay kulanay 2005, markii ii u campaign

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi Cigaal - Cirro waxaanu markii u horaysay kulanay 2005, markii ii u campaign
garaysanayay kursigii sii Xildhibaanimo oo yaalay Gobolka Saaxil. 

Wuxuu nagula kulmay Hotel ku yaala Bariga Hargaysa oo aan u malaynayo inuu KAAH ahaa, aanan se hubin oo hada aanan magacii Hotel ka caadi u sixi karin, subax hore abaaro 5tii ayay ahayd, anagoo ka kooban ardaydii Dugsiga sare ee Boarding ka Sheekh. Waxaanu ahayn ku dhowaad 100 arday, oo subaxaa ku sii wajahan Dugsiga kadib markuu naga dhamaaday fasaxii, 3 Bus oo aanu safarka u kiraysanay ayaa na sida oo Hotel ka noo hortaagan. 

Waxaa Cajiib ahayd, inuu ahaa Musharaxa Xildhibaan ee keliya ee nala kulmay, ardayda Boarding kana cod waydiistay, isagoon hayb ahaan iyo gobol ahaan ba u kala soocin ardaydaa ka kala timi dhamaan Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay. Musharaxiin ta kale malaa kuma baraarug sanayn in Dugsiga Sheekh 200 arday oo cod bixiya yaal ahi dhigtaan, iyo mihiimada iyo kaalinta ay ka qaadan karaan doorashada xildhibaanada. 

Waxa aan qormadan u qoray sirihii ku duugnaa kulan kaa iyo siduu uga soo shaqeeyey. Wuxuu awooda geliyay inaan kulanka cidi ogaan oo uu sir ahaado si‘aan musharax kale uga daba bixin (Offline Politics). Ugu horayn wuxuu noo soo diray mid kamida Campaign Managers kiisa, oo aan hada magaciisa ilaaway, isagoo Campaign manager ka ay xidhiidhka ardayda u fududaysay walaashii Happy Adam oo aan anigu isku kalaas ahayn markaa. Happy waxay u timi aniga iyo saaxiibkay Ahmed Cabdiqaadir Fagaase oo kamid ahayn ardayda Busaska soo kiraysa, lacagta lagu safrayona ururisa, iskuna durba rida safarka marka school ka laga baxayo iyo marka lagu soo noqonayoba. 

Campaign Manager ka ayaanu markii hore Hargeisa ku kulanay anagoo 4tii kale ee qandaraaslayda safarkana u yeedhnay. 6da yadaas ayaa gaar naloo ku saaray inaanu ardayda Musharaxa la kulan siino, kahorna soo bislayno, kadibna maalinta Doorashada 200 ba codkooda ay sanduuqa Cirro ku hubsadaan. 

Heshiis buu Campaig Manager ku nalag galay, in 6 da yadaas lacag markaa noo qalantay nala siiyo, shaqadaydana qabsano, naloona madax baneeyo. Ilaahay wuxuu noo suuro geliyay inaanu ardaydii qancino, lana kulan siino Musharaxa kahor doorashada. 

Kulan ka oo aanu kasii shaqaynay ayaa subax hore ka dhacay Hotel ka, iyadoo markii hore Campaign Manager ku noo sii khudbeeyey, inyar kadibna uu Cirro noo soo galay, isagoo nala hadlay 5daqiiqo oo keli ah. Nooguna sheegay wax kasta oo ay jeclaayeen inay arday dugsi sare ku jirtaa ay dhegahoodu maqlaan. Waxaan hadaladii ka xusi karaa inuu noosheegay inuu Boarding ka Sheek isaga laftigiisu ka baxay, oo uu wax ku bartay, uuna ahaa ardaygii u sareeyey final exam kii. Inuu fahansan yahay duruufta ardaydaa Boarding ka intay ku jiraan iyo markay kasoo baxaan ba, iyo hadii tabashooyin nololeed nagala soo waajahaan inuu yahay Xildhibaan ka nala na fahmi kara, naguna meteli kara, jawaabona u heli kara. Sidoo kale inay suuro gal tahay inuu nagala shaqeeyo fursado Scholarship Dugsigan dabadii. Wuxuu noosheegay inaanu heli karo marwalba islamarkaana Goobta wuxuu noogu qaybiyay Visitin Card ay macluumaad kiisu ku yaalan, sida emaill kiisa, si‘aanu ula xidhiidhi karo markuu Golaha galo. Wuxuu noo sheegay inuu u socdo inuu mustaqbalka Soomaaliland hogaamiyo balse Xildhibaanimadu barbilow u tahay hayaan kiisa. 

Waxay ahayd 5 daqiiqo oo koobsatay profitionalism.
Wuxuu ahaa nin diyaar san garanayana wuxuu nagala hadlayo iyo meeshuu u socdoba. Anagoo khushuucsan ayuu naga baxay oo sacabka tumayna. 

Cabdirahman Cirro wax tafaasiila kamuu bixin waxa aanu anaga gudi ahaan iyo campaign Manager kiisu gaar ahaan ugu heshiinay ama na dhex maray, waa arimaha aan layaabo. Waxaan kaloo aad uga helay sida uu ugu kalsoonaa shaqada uu u hayo Campaign Manager kiisu, isagoo hadalka kusoo koobay wixii Campaign Manager ku idiin ku talo galay Gudidiina ayuu idiin soo marin. 

Markii Cirro baxay, Campaign Manager ku sidii Cirro oo kale ayuu u hadlay wuxuuna yiri Gudidiina ayaa idin lahadlay oo aan idiin ka baxayaa, wax idin raali geliyana idiin sheegay. Kalsooni ayaa anaga nala siiyay, aadbay na noo cajab gelisay, waayo sidii noo danta ahayd ee ahayd ilaalinta xogta iyo is aaminaada ayay kulan kii kusoo gebagebeeyeen. Markay baxeen ayaanu ardaydii la hadalay, waxaanu na u sheegnay wixii maalintaa wax u tarayay oo ahayd in safarkooda aanu gudi ahaan doorkan bixinayno, Berbera sii marsiinayno, Hotel Bada ku yaala kasii qadaysiinayno, maalinta codka loo soo baxayona aanay safafka ku gaajoone, Hotel ku yaal halkay ka codaynayaan ee degmada Sheekh ay qadadoodu free tahay. 

Taasi ma‘ahayn sababta ay codka u bixinayaan, waayo sababta musharaxu codka u doonayo si gaara ayuu ugu qanciyay ardayda, iyo wuxuu mustaqbalka tari karo, balse Gudi ahaan waxaanu isla garanay inaanu ardayda wax kusoo celino, si saaxiibadayo aanu kalsooni uga helo, oo aanan u noqon rag shaqadii lagu aaminay keligood ka faa‘idaysta. Wanaaga iyo Kalsoonida ay Campaign Managers ku nasiiyeen ee aanay wax tafaasiila ka bixin waxaanu ka soo qaadanay, ayaanu taa kaga jawaabaynay. 

Casharka ugu wayn ee aan meeshaa ka bartay wuxuu ahaa sida loo abuurto kalsoonida, in dadka shaqada aad u dirsatona lagu aamino oo aan gacanta lala gelin, laysagana ilaaliyo (micro-management). Taasoo kor u qaaday daacad nimada iyo kalsoonida dadka aad hawl u dirsatay marka aad tahay Leader. 

Waxaa Guul lagu farxo ahayd, in ololihuu aanu school ka ka dhex bilawnay guulaystay oo maalintaa dhamaan ardaydii Dugsiga Sheekh oo wada socotaa ay sanduuqa Cirro codka ugu gureen iyagoon qabiil kiisa aqoon, balse uu ahaa Musharaxa keliya ee codkooda waydiistay, lana kulmay, gudi Campign na ku dhex samaystay, iyadoo aanu xidhiidh joogta ah lahayn Camping Manager kii ka wakiil ahaa Xildhibaanka, talooyin kana aanu si joogto ah isu dhaafsanaynay. 

Cirro wuxuu noqday xildhibaan kii ugu codka badnaa Gobolka Saaxil, ardayduna aad bay u wada faraxday Maalin tii aanu BBC da kawada maqalay in magaca Cabdirahman Maxamed Cabdulaahi Cirro (xildhibaan kayagii) loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland. Anagaa dhexdayada isu wada hambalyaynay. 

Maalintaas ayaana iigu horaysay barashada qabiil kiisa, walaahay kahor maanan aqoon qabiilka xildhibaan ka aanu u shaqaynayno, waayo noomuusoo waajihin hab qabiil, anana maanaan danaynayn. 

Cabdirahman Cirro, waxaa nala soo xidhiidhsiiyay xaga khadka telefoonka Campaign Manager ka, sigaara ayuu na noogu mahad naqay gudidayadii, wuxuuna na faray inaanu mahadnaqa ka gaadhsiino Ciyaala Boarding ka. Waxay ahayd cashar kale oo laga baran karo sida loo xasuusto dadkii guushaadii ka shaqeeyey oo aan loo tuurin markaad halkaad u socotay gaadho. 

Waa macalin siyaasadeed oo ay Soomaaliland iyo Soomaalidu ba u aayi doonto sifooyinkiisa hogaamineed marka uu xilka baneeyo, waayo sida caadiga ah Madaxwaynayaashu waxay bilshooyinka uga tagaan dhaqamo siyaasadeed oo saameeyo wanaag iyo xumaan waxay ahaayeen ba, jiilka ka dambeeyaana ay badi ka copygareeyaan, si kutala gala iyo si aan ku talo gal ahayn ba. 

Waa Alle mahadii in uu inaga soo dhex baxay wakhtigii aynu ugu baahi badnayn xidig diplomaasi unique hogaamineed lihi, inooga uga taga, Jiilka cusub ee Somaliland iyo Soomaalida kale ba, Casharo dhaxal gala, la jaan qaadi kara ama hiigsan kara aduunyada siyaasada horuumarka ka samaysay, islamarkaana hogaamintiisa ku salaysan Lead by Example ay qaabayso, aragtiyaheena siyaasadeed iyo hogaamineed ee 20ka sano ee soo socda, inagana dhaqa dhaqamadii siyaasadeed ee duugoobay, fadhiid kana noqday. 

Aniga na nasiib gaara bay ii tahay iyo waxaan ku faani karo inaan ahaa ashkaas tii u horaysay ee la bilawday hayaan ka iyo himilada, 20 sano kahorna aragtay quality ga hogaamineed ee ku duugan, kala na shaqaysay jidka dheer ee uu usoo qaaday, iguna qancisay inaanan marna ka shakiyin guulaha Qaran ee uu inoo horseedi karo. 

Ilaahow waa Mahadaa.

Cabdirashiid Saalax Axmed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured