Ambassador MUNA CALI FIDHIN Oo Dawladda Kenya Uga Mahadcelisay Soo Dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ay Muujisay.

0
Monday June 02, 2025 - 18:56:25 in by Super Admin
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ambassador MUNA CALI FIDHIN Oo Dawladda Kenya Uga Mahadcelisay Soo Dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ay Muujisay.

    Washington (QMN)- Ambassador MUNA CALI FIDHIN, Ayaa Qoraal Ay Kasoo Saartay Dalka Maraykanka Ugu Mahadcelisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington (QMN)- Ambassador MUNA CALI FIDHIN, Ayaa Qoraal Ay Kasoo Saartay Dalka Maraykanka Ugu Mahadcelisay
 Xukuumadda Kenya Ee Uu Hogaaamiyo Madaxweyne William Ruto.

Ambassador MUNA Oo Hore Safiir Uga Noqotay Dalka Maraykanka, Ayaa Qoraalka Mahadcelinteeddu Kenya Ay Siddii Muga Lahayd Ee Xukuumadda Uu Hogaaamiyo Madaxweyne William Ruto U Soo Dhaweysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Inna Cirro), Isla-markaanna Ay Ku Maamuustay Ma'qaam Aad U Sareeya.

Muna Ayaa Sheegtay In Qaabka Soo Dhaweynta Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Kulannadda Labadda Madaxweyne Ee Dr Cirro Iyo William Ruto Iyo Furista Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Ee Dalkaas Ay Sare U Sii Qaaddayso Xidhiidhka Labadda Dalka Ee Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Kenya U Dhexeeya.

Qoraalka Mahadnaqa Ah Ee Ambassador Muna Cali Fidhin, Ayaa U Dhignaa Siddan "Ujeeddada warqadda:

Muna Fidhin waxay uga mahadcelinaysaa dawladda Kenya:

1. Soo dhoweyntii ay u sameeyeen madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, intii uu booqashada ku joogay Kenya.

2. Tallaabada geesinimada leh ee dawladda Kenya ay qaaday oo ah in ay oggolaadeen in safaarad Somaliland leedahay laga furo Kenya. Waxay sheegtay in tani ay muujinayso ixtiraam iyo horumar laga gaadhay xiriirka dublamaasiyadeed ee Geeska Afrika.

3. Aqoonsiga ay u muujisay jiritaanka Somaliland iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxay sidoo kale warqadda ku sheegtay in ay ka tarjumayso dareenka dhammaan reer Somaliland ee ku nool Maraykanka. Ugu dambayn, waxay rajaynaysaa in xiriirka dublamaasiyadeed ee noocan ah uu sii xoogaysto si loo xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya dadka iyo dawladaha labada dhinac.

Gunaanad:

Warqaddani waa mid muujinaysa mahadnaq dublamaasiyadeed iyo taageero ballaadhan oo ka timid jaaliyadda reer Somaliland ee Maraykanka, iyadoo si gaar ah ugu bogaadinaysa dawladda Kenya tallaabooyinka ay qaaday".

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured