![]() War Degdega: Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska JSL Oo Digniin U Diray Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Hargeysa (QMN)- War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska JSL, Ayaa
"Ciidanka Booliska Waxay Ilaaliyaan Qof kasta Oo Muwaadinna Hantiddiisa Naf iyo Maal Oo Ay Ka Mid Yihiin Madax-da Asxaabta Qaranku" War-Saxaafaddeedka Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska JSL.
=============================
Hargeysa (QMN)- War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska JSL, Ayaa Digniin Loogu Diray Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Uu Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Ku Eedeeyeen Inuu Gurigiisa Magaaladda Hargeysa Ku Soo Ururiyey Ciidan Beeleed Sifo Sharci Darro Uga Garab Shaqeeya Ciidanka Sharciga Ah Ee Guriga Musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro Jooga.
Taliska Guud Ee Ciidamadda Booliska Ee JSL, Ayaa War-Saxaafaddeedkan Ay Kasoo Soo Saareen Guriga Musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro Ee Magaaladda Hargeysa Lagu Yidhi Siddan "Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.
Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).
Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.
Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah, Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.
Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud.
Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is
ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay .
Waxaanaanu u gudbin donaa xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo xusnay masuuliyadeeda".
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
War Degdega: Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska JSL Oo Digniin U Diray Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Hargeysa (QMN)- War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska JSL, Ayaa