Xulka Brazil Oo Guul Ku Daah Furey Koobka Aduunka Iyo Neymar Oo Wacdaro Dhigay + Croatia-na Af-ka Ciida U Dartay.
Hargeysa (QMN)- Tartanka koobka aduunka oo si rasmiya uga furmay dalka Brazil, ayaa munaasibada aad u balaadhan oo lagu qabtay caasimadda dalkaas ay si xarago leh uga dul talaabsatay xulka Brazil, xulka kale ee ay
la ciyaareen Croatia.
furitaanka koobka aduunka oo ay ciyaartii u horeysay wadda lahaayeen dalka marti galinaya ee Brazil iyo Croatia, isla markaana ahayd ciyaartii lagu daah furey koobka aduunka.
Haddaba Ciyaartan dhexmartay Labada Xul ee Brazil iyo Croatia, oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo labada Xulba soo bandhigeen awoodoodda ciyaareed, ayaa waxa bilawgii ciyaarta waxa u suurtagashay Xulka Croatia, inay gool dhashadaan, waxaana goolkaas iska dhaliyey Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara Brazil ee Marcela, taas oo Xulka Brazil u horseeday inay weerar joogto ah ku qaadan Croatia,, isla daqiiqado yar, kadibna waxa kooxda Brazil goolkii barbar dhaca u saxeexay Neymar, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-1-gool.
Markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa Xulka Brazil waxa ay haleen daqiiqadii 77 Rikoodhe, waxaana Rikoodhahaas gool u badlay Neymar, Xulka Croatia, ayaa weerar joogta ah soo qaaday, goolal badana iska cunay, balse markii lagu wakhtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ayaa daqiiqadii kowaad Ciyaaryahanka Oscar ee Xulkiisa Brazil u dhaliyey goolkii Saddexaad, waxayna halkaas Saddexdii dhibcood ee ciyaarta ku qaatay xulka dalka Brazil ee marti galinaya koobka aduunka ee sannadkan.
Chief-In-Editor: Khadar Ali Hussein [Shiine]. Email:webmaster@qumannews.com/ Qumannews.com Hargeysa/Office. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |