Xulkii Dalka Holland Oo Laga Dul-talaabsaday Iyo Xulkii Argentiina Oo U Gudbay Finalka Koobka Aduunka.

0
Thursday July 10, 2014 - 01:51:52 in by Super Admin
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulkii Dalka Holland Oo Laga Dul-talaabsaday Iyo Xulkii Argentiina Oo U Gudbay Finalka Koobka Aduunka.

    Hargeysa [QMN]- Xulkii dalka Holland, ayaa laga reebay koobkii aduunka, ka dib markii ay hadda la soo gabagabeeyey ciyaar adag oo dhexmartay xulalka Holland iyo Argentiina.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa [QMN]- Xulkii dalka Holland, ayaa laga reebay koobkii aduunka, ka dib markii ay hadda la soo gabagabeeyey ciyaar adag oo dhexmartay xulalka Holland iyo Argentiina.

Ciyaartan caawa dhexmartay xulalka Holland iyo Argentiina, ayaa ahayd mid aad u adag, isla markaana kooxaha labadda dalba, ayaa soo bandhigay ciyaaro aad farsamadeedu u sarayso, taasoo ahayd mid aad u xiiso badan, isla markaana aad u soo jiidatay taageerayaasha labadda kooxood iyo kuwii shaashadaha kala duwan ee aduunka ka daawanayey.

Ciyaartan oo aad u adkayd ayey labadda xulba eber iyo eber isla dhaafi waayeen muddadii sagaashanka munites ee loogu tallo-galay sida uu sharcigu dhigayo. Iyadoo muddo sodon muniets ahna lagu daray si labadda kooxoodba u kala dhaliyaan goolal.

Muddadaas dheeraadka badhka ah ee lagu daray ciyaarta ayaa sidoo kale aanay labadda xulba wax goolal ah kala dhalin. Iyadoo ku soo dhamaatay eber iyo eber. Intaas ka dib-na waxa labadda xulba loo dhigay laaga xorta ah ee rikoodhayaasha, waxaana shantii laag ee xulka Holland laga qabtay laba laag, halka ay xulka Argentiina ay dhashadeen dhammaan laagagoodii. Sidaasna waxa guushii ku raacday xulka dalka Argentiin, waxaana koobka kala qaadi doonaan xulka Germany oo xalay ka soo badiyey dalka Brazil.


Chief-In-Editor: Khadar Ali Hussein [Shiine].

Email:webmaster@qumannews.com/

khadarshiine012@gmail.com

Qumannews.com

Hargeysa/Office.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured