![]() Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka Sheekaddan waxaa Qallinka u Qaatay Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Guun, Waxaanna Tafaftiray Khadar Jamac Dirir. Qaybtii 1-aad:
Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl, maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista ka degay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore
in badan u maqashay Qays iyo Layla, ceebla iyo Cantar, Cilmi iyo Hodan kuwaas oo dhamaantood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”?.Qisada buugan cusub ee la magac baxaday (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.
Qisadan waxay la mid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da’yartu in badan u dhug-yeelan. Waxaa iswaydiinleh marka hore waa maxay sababta marar badan keenta in qof lahayste u ahaado midkale oon abtirsiimo ka dhaxayn, kana awood waynayn imisaad aragteen wiil ama gabadh waqtigu ka hiiliyey oo hoos jooga mid uu nasiibku la jiro iyadooy sidaa tahay wa meerto duniduyoo waxaa la yidhi: Aduunyooy waalaley Aduunyooy waayo badan Maxaad waagii baryaba Wacdaro gaara leedahood U wanaagsan tay wiil Midkalena waabay suniyo U walaaqaysaa dhunkaal.
Hadaba jaceylka ayaa sidiisaba lagu tilmaamaa ilma aragtay u gudba unugyada dhiiga iyo xubnaha kale ee jidhka wuxuu u fidaa sida ay u fidaan laamaha geedaha cagaaran marka ay helaan biyo iyo qorax ku filan. Wuxuu ka abqaalmaa ilmada ka timaada mataanka marka hore uu haleelo hadiiba aanu labadoodaba asiibin, geedkan jaceyl ayaa noqda mid qaadha oo laamihiisa dib ula noqda haddii ay lamaanuhu isu hayn waayaan niyad saafiya ama ay wada hanan kari waayaan halganka adag ee nolosha.
Cida keliya ee ka badbaada khasaaraha iyo dhibaatada murugada badan waa kuwa garta qiimaha jaceylka iyo sida loo xannaaneeyo, waxa lamaanahaas lagu tilmaamaa in ay ka gudbeen ama u talaabeen geesta kale nolosha, kuwaas oo ah kuwa kaliya ee bulshada dhexdeeda ugu karaamada badan.
Hadaba qiimayn iyo daraasad lugu sameeyey tirada ku guulaysata ama ka adkata waayaha adag ee soo waajaha ayaa noqotay mid aad uga yar tirada lammaanaha aan u soo gudbin wareega labaad ee noloshooda, kuwaas oo loogu yeedho ama noqda qaar aad dushooda ka garato sida ba’an ee ay uga siibteen salaanka nolosha, sidaas oo ay tahay qoladan laftidoodu waxay u qaybsamaan laba oo kala ah: shaqsigii keenay kala hadhka iyo dhalan dhoolka ay hadeer ku sugan yihiin iyo mid laga yaabo inuu helo waxa inta badan bulshadu u taqaanno nabsi-baxa oo isagu in yar ka muuqaal roon ka jabiyay wacadkii dhex-yiil Oo inta badan isagu isku maaweeliya heesaha jacaylka ah ee ka hadla nabsiga sida: Gacaladaydaay hadaad igayso Gami mayo wiil kale Hadaad garabka saartee Bal gudoon geeridayda gabadh yahay Hadaba sida uu qabo caalim sarre oo ka faalooda jaceylka wuxuu yidhi: "Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba u lahaa (Ballan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligteeda wax bogaaga ku beerma) Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is -ag joogay muddo aad u dheer oo xitaa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa, arrimihiisa ama hel ahaa oon loo filayn inuu ka dhex dhasho.
La soco qaybaha dambe, sheeko taxane ah oo aad u xiiso badan. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka Sheekaddan waxaa Qallinka u Qaatay Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Guun, Waxaanna Tafaftiray Khadar Jamac Dirir. Qaybtii 1-aad:
Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl, maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista ka degay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore