Xiddigii Masar Mohamed Zidan Oo Lix Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay.
Mohamed Zidan ayaa lagu xukumay lix sanno oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu soo saaray check lacageed oo been abuur ah, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.
Weeraryahankii hore ee Mainz, Werder Bremen iyo Borussia Dortmund ayaa lagu eedeeyay inuu seddex warqadaha lacagaha looga qaato bankiyada oo been abuur ah u qoray shirkad guryaha iibiso islamarkaana dhista oo Masaari ah.
Maxkamad Masar ku taala ayaana Zidan oo aan maxkamada joogin ku xukuntay inuu maro lix sanno oo xabsi ah, inkastoo aysan kala cadeyn halka uu haatan ku sugan yahay.
31 jirkaan ayaan koox heysan tan iyo markii uu ka tagay kooxda Imaaraadka Carabta ee Baniyas bishii Janaayo, laakiin waxa uu falanqeeye isboorti ka ahaa Al Jazeera Sports.
Shirkada dhismaha ayaa dacwad ka gudbisay Zidan bilowgii sannadkan. Ninkaan oo 44 kulan u saftay xulkiisa ayaa awoodi doona inuu racfaan ka qaato xukunkaan marka uu ku laabto dalkiisa. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |