Leo Messi Oo Ka Hadlay Cristiano Ronaldo, Mesut Ozil, Mustaqbalkiisa Iyo Koobka Adduunka (Wareysi Dhameystiran)
Leo Messi ayaa wareysi siiyay wargeyska Marca ka dib markii la gudoonsiiyay shalayto kabaha dahabka. waxaana uu kaga hadlay waxyaabo dhowr ah oo ay ku jirto mustaqbalkiisa, Ronaldo, Champions League iyo Koobka Adduunka.
Isagoo ka hadlayay mustaqbalkiisa waxa uu yiri:
"Hamigeyga waa inaan Barcelona jooga abid. Waan ka mahdinayaa xiisaha ay dadku ii soo bandhigayaan. Waa sharaf marka ay waxyaabahan oo kale yiraahdaan, laakiin nolosheyda waxa ay taalaa Barca”
Isagoo ka hadlayay Ronaldo waxa uu yiri:
"Ma aqaano haddii Cristiano Ronaldo uu ku jiro meeshii ugu sareysay ee xirfadiisa ciyaareed laakiin mar walba meeshaas ayuu joogaa isagoo dhalinaya goolal kulan kasta islamarkaana caawinaya kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka. Waxaana uu taasi sameynayay muddo sannado ah, wax kala duwanaansho ahna ma keeneyso haddii uu ku jiro qaab ciyaareed wanaagsan ama qaab ciyaareed waxoogaa yara hooseeya.”
Waxaa wax laga weydiiyay Champions League iyo World Cup, waxa uu yiri:
"Real Madrid iyo Bayern ayaa ah kooxaha ugu adag ee laga horyimaado, inkastoo ay jiraan kooxo kale oo sarsarre. Tan ku saabsan Koobka Adduunka, waxaan qabaa in Brazil, Germany iyo Spain ay ugu cadcad yihiin.”
Waxa uu sidoo kale ka hadlay hamigiisa ku aadan inuu Koob Adduun la qaado Argentina, waxaana uu yiri:
"Inaan ku guuleysto Koobka Adduunka waxa ay ii noqon laheyd riya niga iyo asxaabteyda xulka, madaama wadanka uusan muddo dheer ku guuleysan.”
Waxaa wax laga weydiiyay fekerkiisa ku aadan Özil, waxaana uu yiri:
"Haddii ay tahay inaan doorto ciyaaryahan Jarmal ah waxa uu noqon lahaa Özil, kaliya ma ahan inaan doonayo inuu u ciyaaro Barcelona laakiin waa ciyaaryahan leh tayo aad u sareysa.” Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Leo Messi Oo Ka Hadlay Cristiano Ronaldo, Mesut Ozil, Mustaqbalkiisa Iyo Koobka Adduunka (Wareysi Dhameystiran)
Leo Messi ayaa wareysi siiyay wargeyska Marca ka dib markii la gudoonsiiyay shalayto kabaha dahabka. waxaana uu kaga hadlay waxyaabo dhowr ah oo ay ku jirto mustaqbalkiisa, Ronaldo, Champions League iyo Koobka Adduunka.