Hadimo jacayl: W/Q Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi). Qaybtiii 1aad
Qaybtiii 1aad: Waxay ahayd goor casar gaaban ah abaaro 5:00 galabnimo, cadceeduna sii dhacayso, dhulkunna uu helay roob shuux ah, dhirtunna u badan tahay akhtar ka dharagtay roobkii guga. Dadkunna wadda qurux badan
yihiin, aad modidna inay jawiga wanagsan iyo dadku is heleen.
Waxa magaalada Hargeysa ka can ah in ay galabtii dhallinyaradu u soo dhadhacaan suuqa Mustafena waxa uu kala mid yahay dhallinyarada magaalada, uu soo kacay ,maydhay, labbisna kiisii ugu qurux badnaa soo xidhay. Waxa uu soo dhaqaaqay goobtii uu ka raaci lahaa baska, goobta oo aad u dad badan, dadka xaafadaduna ay inta badan ka racaan baska iyo basaska oo buuxa ayaa u sahlay in dhallinyaro iyo waayeel ay isku soo gadhaan.
Cabaar marki uu soo socday waxa uu soo gadhay goobtii baska, markii uu in door ah tagnaa ayaa waxa uu isha la helay gabadh Illahay qurux u dhammeeyay, caddaan xigta ,dhubnayn aan burnayna,gabnayn aan dheerayna,habka labbiskana aad u qurux badan yahay, labbis isku eeg oo basali iftimaaya ah. Weli kama uu jeedsan lakiin Maryan ayaa dareentay oo yara dhaqaaq joogsatay. Mustafe wuu ku maqan yahay oo waxa uu jecel yahay in ay is bartaan. Waayo, waxa uu ogyahay in aanay magaalada cidna iska garanayan oo uu dhawaan ka yimid magaalada Burco. Waxay halkii baska in door ah tagnaayen, jeclaana inuu barto inanta lakiin uu ku dhiiran waayay inuu lahadlo ayuu imid baskii oo aay raacday Maryan kana buuxsamay Mustafe dadka oo dumar u badnaa awgii. Aad ayuu uga niyad jabay iyaka oon is baran inay halkaa ku kala tagaan ,baskiii labad ayuu iska raacay isaga oo niyad jabsan hawshii uu suuqa u tagay oo ahayd inuu abtigii la kulmona soo dhammaysay isla markiiba wuu isa soo rogay oo xafadii ayuu ku soo noqday ,ma uu baydhbaydhin ee waxa uu toos u galay qolkiisii markii uu sariirtii ku jiibsadayna waxa maskaxdiisa ka dhex guxaayay kuna sawirnaa gabadhii uu manta soo arkay. Daqiiqado yar ayuu isku badalay kuna noqday qof jacayl la il daran ,dareenkiisii iyo ruuxdisii oo dhamina raacday Maryan.
"Balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beerma”, Isagoo sidii ah ayuu waagii u baryay.
Mustafe, waxa uu dhigtaa iskulka Faarax Oomar. Markii uu u qaaday jihadii iskuulku ka xigay ayuu goobtii safka iskuulka lagu galaayay ku arkay gabadhii uu shalay arkay. Arrin ka ga sii daran intii hore oo waxa uu baahi weyn u qabaa inuu helo cid uu la wadaago jacaylkan ku kaliyaystay.
Markii uu arkay iyana garatay inuu inankii shalay yahay indhahooduna si toos ah ayay iskugu dhaceen. Maryan waa fasalka koowaad ee dugsiga sare. Mustafena laba gu ayuu ka sarreeyaa oo waa ka saddexaad.
Malintaas markiii uu galay fasalkii waxaa uu bilaabmay warwar iyo fakir aad u xeeldheer oo ku salaysan jacayl uu Marayan u qaaday cidna aanay u ogeyn. Tirabtiisu waxay ahayd erayo jacayl ah…
La Soco Qaybaha Dambe Oo Aad U Xiiso Badan. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Hadimo jacayl: W/Q Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi). Qaybtiii 1aad
Qaybtiii 1aad: Waxay ahayd goor casar gaaban ah abaaro 5:00 galabnimo, cadceeduna sii dhacayso, dhulkunna uu helay roob shuux ah, dhirtunna u badan tahay akhtar ka dharagtay roobkii guga. Dadkunna wadda qurux badan