Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka Sheekaddan waxaa Qallinka u Qaatay Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Guun, Waxaanna Tafaftiray Khadar Jamac Dirir, Qaybtii 4-aad........

0
Monday December 08, 2014 - 23:38:37 in by Super Admin
  • Visits: 2462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka Sheekaddan waxaa Qallinka u Qaatay Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Guun, Waxaanna Tafaftiray Khadar Jamac Dirir, Qaybtii 4-aad........

    Qaybta 4-aad: Salma waxay inta badan mashquul ku noqotay xanaanaynta iyo rog-rogida Hooyadeed. Sidoo kale Salma waxay ahayd gabadh mar walba u heelan ixtiraamka iyo raali gelinta Aabbaheed. Salma ma ahayn qof asxaab badan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 4-aad: Salma waxay inta badan mashquul ku noqotay xanaanaynta iyo rog-rogida Hooyadeed. Sidoo kale Salma waxay ahayd gabadh mar walba u heelan ixtiraamka iyo raali gelinta Aabbaheed. Salma ma ahayn qof asxaab badan,
 inta badana waxay ahayd qof gooni socod ah, balse taa macnaheedu maaha inay Salma ahayd qof dabeecad xumo iyo qalafsanaan shakhsi ah looga cararay ee waxay ahayd shakhsiyad Illaahay ku manaystay dabeecad wanaagsan oo aadminimo iyo dareen naxariistu dibadda ka joogto.   

Hase-yeeshee marka hore Salma duruufta, ayaa ka dhigtay gooni socod, mar labaadkana xishood iyo dhawrsanaan ay kaga durkayso macaamilka qaarkii iyo waxyaalaha ay dhalinyaro badani xadaarada u yaqaaniin ayaa gooni socod ka dhigay, laakiin taasi kama xaaraantinimaynayso asxaabteeda ay u aragto inaanay qalin daarrin habdhaqankeeda nololeed iyo sumcadeeda shakhsiga ah. Inkasta oo ay hooyo Ruun tawsi dhul dhigtay, hadalkuna dirqi kaga soo baxayey, haddana waxa dareenkeeda ka soo neefayey kalgacaylkii waalidnimo iyo danayntii hooyanimo, sidaa darteed, markasta oo hadal ka soo baxo waxay isku deyeysay inay gabadh dhawrsoon oo is ilaalisa ay ahaato. 

Subeer, wuxuu ahaa wiil lagu indhokuusho oo ay qoyskoodu aad u daneeyaan, sidaa darteed marka laga yimaado danaynta waalidkii uu u hayo, Subeer wuxuu ahaa wiil ay laba hablood oo walaalihiis ahi keligii ku dhaataan, ka dibna ay ka shaqeeyaan dhar maydhkiisa iyo baahiyihiisa kale, wuxu ahaa wiil loo kool kooliyo si aan la arrag iyadoo badanaaba uu la wadaago xannaanaynta wiil madiya oo reerkoodu keligii leeyihiin. Sidoo kalena, Subeer aabihii iyo hooyadii markii ay isku dhaleen saddexdaa ubada wax dambe isuma ay yeelan, carruurtooduna wakhtigan waxa ay noqdeen qaar aan uga baahnayn koriinsho oo mid waliba geestiisa ayuu masuul u yahay waxaanay dhameeyeen dugsiga sare, goortan waxay diyaar u yihiin haddii ay helaan in ay waxbarasho dibadeed galaan waxaana inta badan ku fekerta Hanna oo ah gabadha ku xigta Subeer oo iyadu ah dadka aad u jecel waxbarashada halka Subeer uu aabihii uga yahay gacan yare hawlihiisa ganacsiga, waxaanay inta badan waalidkii Subeer ku guubaanin jireen in uu guursado si raasku u noqdo mid balaadhan iyaguna u arkaan ilmo uu dhalay inankoodu.   Haddaba, maalin maalmaha kamida ayaa waxa kulmay Subeer iyo aabihii Dhamal, waxaana dhex martay sheekadan: 

Dhamal: aabo Subeer, waxan u malaynayaa in aad gaadhay wakhtigii aad reerkan ku soo kordhin lahayd reer labaad waayo waad ogtahay waxaynu nahay raas iska dad yar mana rabo in ay tafiirteenu noqoto mid kooban, Illaahay baa hayee isla markaa aabo waxan ku tashaday in aad sida ugu dhakhsaha badan ugu geed fadhiisato gabadh gayaankaaga ah haddana waxa ila noqon wayday inaan kaliday talada goosto waxaanan doorbiday in aan kaala tashado, haddaba bal ka waran arrintan. Subeer: "Aabo waa talo wanaagsan aniguna waan aqbalay, balse sidaad adiguba sheegtay wakhtiga aynu marano iyo waayaha maanta jira aad ayay u adag tahay in la isku keeno wiil iyo gabadh aan hore isu arag waxaanay inta badan keentaa arrintaasi in reerkaasi noqdo mid si dhib yar ku bur bura markaa aabbo haddii taladii xagiina ka soo dhammaatay aniguna aan u ahaa diyaar walow aanay wakhtigan jirin gabadh ii diyaar ahi haddana kuma rajo xumi in aan heli doono midii dookhayga noqon lahayd.   

Dhamal waa oday aad u fur furan oo ka mida waalidada fara ku tiriska ah ee ubadkooda la saaxiibka ah run ahaantiina jecel in ay noqdaan kuwo dhigood iyo ku xigoonadooba dhaafa umanuu arag hadalka inankiisa mid deelqaaf ku ah ama ka hor imanaya balse wuxu u qaatay in uu yahay mid isagu marka horeba uu ka filayay, maadaama aan wakhtigan da’yarta la isku keenin waxaanu ku yidhi: ‘Aabo waan ogahay oo way fiican tahay, aadna way u qurux badan tahay in aad soo xulato midii nolosha kula qaybsan lahayd sababtoo ah waxaynu nahay dad talo wadaag leh ee ha moodin in arrinkaygu yahay mid bir lagu gooyay waxase  i dhibaysa in aad i sii agjoogto adiga oon oori lahayn, kuma necbi oo ifka adaan kuu jeclahay haddana hadu (Geerida) waa mid ina garab taagan goor ay imana Allaa og arrintanina waa mid aniga masuuliyadeedu si gaara ii saaran tahay ee aabo waxan kaa codsanayaa in aad sida ugu dhakhsaha badan iigu soo war celiso. 





La Saco Qaybaha Dambe.



Daabacaadda Webka iyo Xafiiska Baahiyey.

Chief-In-Editor: Khadar Ali Khum [Shiine].

Mobile: 00252-63-4405090

Email:webmaster@qumannews.com/

khadarshiine012@gmail.com

Qumannews.com

Hargeysa/Office.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured