Baroor-diiq: Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame

0
Thursday January 01, 2015 - 16:25:48 in by Super Admin
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Baroor-diiq: Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame

    Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa waxa uu Gabay Baroordiiqa u tiriyey Geerida ku timi Xoghayihii Ururka SuxufiyiintaSomaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo maanta si heer qarana loogu aasay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa waxa uu Gabay Baroordiiqa u tiriyey Geerida ku timi Xoghayihii Ururka SuxufiyiintaSomaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo maanta si heer qarana loogu aasay
Magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Caafimaad ahaan loogu qaaday. weedhsame Gabay Baroordiiqda ee uu Tiriyay Abwaan Weedhsame ayaa waxa uu ku bilaabay sidan: warkan xaada kiciyee xiskiyo maanka xadanteeyey warkan xagar sidiisii u muday xuubka dhegahayga warkan dhiillo xiintiyo naxdimo xoogle igu beeray wuu xijaabtay weeyaan rashiid xay la noqon waaye. Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka gobi leeday Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo Ku xasuuso ruuxii xil gaba suu u xuganaayey Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo. waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun eebe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured