Sheeko Kale: Go'yaal Uskag Lah! Cabdisalaam Yaasiin
Xaas cusub oo aroos ka bax ah ayaa waxay soo degeen xaafad. Subaxnimadii hore ayaa gabdhii kacaday. Iayada oo quraacdii samaynaysa, ayaa waxay daaqaddii ka aragtay gabadhii guriga jaarkood oo go'yaal cad wadhaysa. Waxay ula ekoonaatay
in ay go’yaasha caddi uskag leeyihiin. Waxay nafteedii ku tidhi, "Waa maxay gabadhan basariga ah ee go’yaasha uskaga wadhaysaa? Waxay u baahantahay in la baro sida maryaha loo maydho.”
Subax dambe ayay hadana daaqaddii ka aragtay jaarkii oo go’yaashii wadhaya. Mar kale hadana waxay la noqotay in ay go’yaashu uskaga leeyihiin. Iyada jaarkan basriga ah ka xaanaajiyay, ayay ninkeedii oo u soo galay ku tidhi, "Bal gabadhan jaarkeena ah, ee basariga ah, ee mar walba maryaha uskaga wadhaysa eeg. Haddii ay i yeelayso, waxan bari lahaa sida marya loo maydho.”
Ninki daaqaddii ayuu maryihii ka eegay. Ka dibna gabadhiisii ayuu ku yidhi, "Bal ha degdegin u yara kaadi.”
Subax dambe ayay hadana daaqaddii ka aragtay gabadhii jaarka ahayd oo go’yaashii wadhaysa. Waxay indhaheedi qabteen go’yaashii oo dhayda ka cad. Inta ay u qaadan weyday, ayay ninkeedii u yeedhay oo ku tidhi, "Bal kaalay waxan arkay saaka! Gabadhii jaarka ahayd waxay wadhaysaa go’yaashii oo dhayda ka cad. Ma rumaysan kartaa taasi!?”
Ninkeedii wuxu u sheegay, "Maandhay, xaqiiqadu waxa weeye, saaka ayaan kaa hor kacay, markaasaan daaqadeen nadiifiyay!!!” Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2024 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |