MAANSO Ka Hadlaysa Xaalada Dadka & Dalka Somaliland

0
Saturday November 30, 2019 - 10:15:13 in by Super Admin
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSO Ka Hadlaysa Xaalada Dadka & Dalka Somaliland

    Hargeysa (QMN)- Maanso cusub oo la magac baxday Shicibkaygii oo uu curiyey Abwaan Fu'aad Cabdillaahi Digaale oo uu Abwaanku si qotto dheer ugu sifaynayo xaalada dadka reer Somaliland ay haatan ku jiraan, haddii ay tahay Abaarta, Musuqmaasuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Maanso cusub oo la magac baxday Shicibkaygii oo uu curiyey Abwaan Fu'aad Cabdillaahi Digaale oo uu Abwaanku si qotto dheer ugu sifaynayo xaalada dadka reer Somaliland ay haatan ku jiraan, haddii ay tahay Abaarta, Musuqmaasuqa
 iyo waliba Dareenka waddaniyadeed.

fu'aad cabdillaahi digaaleFu’aad maansadan waxa uu curiyey shalay oo ay taariikhdu aheyd 19.12.16, isagoo ku sugan magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, waxaanu ku bilaabay sidan

Shicibkaygi dhado iyo
Maxaa saaray dharrabkee
Garashadii ka dhaawacay
Sawkii dhiiranaan jiray
Dharraartay u adagtee
Runta dhaabadeediyo
Xaqa dhinac ka mari jirin
Dulmi dhabar lasaariyo
Dhegxumaanta nici jiray
Maxaa dhabbabay ee helay
Garaadkii ka dhoofsaday
Xagee looga soo dhacay
Hankii dhalashadoodiyo
Dhaawacay damiirkii
Dhego beelkan yaabliyo
Dhoohanaantu waa maxay
Sawtan danyar dhamaatee
Dadkii dhugatay gaajadu
Dheeraad abaariyo
Sixir barrarku dhuuxee
Dhardhaaradii isdoorshee
Dheri iyo dab kala gudhay
Cawa darranta dhaxantiyo
Lagu ooday dheelkii
Loo jiiday dhacamaha
Ragna uu dhallaalee
Tunka macasha dheer iyo
Cadka dhabar ku yeeshee
Dhareg iyo dibiradii
Dhiddidka iska hoorshee
Dabaq dheer ka daawada
Hooyada dhirfaysee
Kabali dhaqaaqdee
Dhadhan oon la quutiyo
Jari weyday dheeftii
Afartaa warkoo dhimin
Isagoo dhameysana
Dhummucdiisii iga hoo
Waligaaba dhallacyee
Googooso dhaylada
Isku dhuuji taydheer
Dhan uleexso tuugada
Afka dhuxusha soo mari
Heeryada qof dhiman iyo
Dharka waali soo xidho
Dhaadashiyo qabiilnimo
Googoo dhawaaq dheer
Gadh aad dhererka yaabtiyo
Kuttub dhinaca soo sudho
Wali is dhallasha doorshiyo
Dhul xul iyo libaax noqo
Doqon loo dhaxayn iyo
Dhabcaal iyo la’aad noqo
Cid dheere faalkiyo
Alaal laba dhigaayiyo
Jirjiroole dheehiyo
Dhogor dooris badan iyo
Sixiroole dhaadhaab iyo
Dhagax muuqii yeeshoo
Dadku dhaadi waayoo
Laga dhaafo geestiyo
halis iyo dhunkaal iyo
Halaq miciyo dheer.

Dhamaad.

Qumannews.net

Hargeysa-Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured