Maxaad Ka Taqaanna Suugaantii Hodanka Ahayd Ee Abwaankii Weyna Ee AF-GUDHIYE Qormooyin Xiisa Leh Qeybtii 1-aad.

0
Saturday August 28, 2021 - 23:20:02 in by Super Admin
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanna Suugaantii Hodanka Ahayd Ee Abwaankii Weyna Ee AF-GUDHIYE Qormooyin Xiisa Leh Qeybtii 1-aad.

    "Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Ahmed Siciid (Af-Gudhiye). Qoraalkan yar oo aan laba sano ka hor geeridiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Ahmed Siciid (Af-Gudhiye). Qoraalkan yar oo aan laba sano ka hor geeridiisa
 qormo dheer oo aan ka qoray aan ka soo jaray, waxa aan ku xusuustay sida uu; si ka duwan hal-abuurka badidiisa (oo hal abuurnimada alif ka bilaaba) sida uu af-Gudhiye uu Albaqra uga soo bilaabay hal Abuurnimadiisa, alifna uu ku dhameeyey! .

""Abwaanka, Suugaantiisu waxa ay u kala rogan tahay, dhamaan qaybaha nolosha aadamaha iyo dabeecaddaha uu Alle wayne dunnida guud dhigay; Siyaasadda adduunka, ta Soomaalida, Dhaqanka iyo Edaabta Islaamka, Haasaawe iyo kalgacal, Kaftan iyo Gole ku haasaw, Narnaqsi iyo guubaabo, Hawaale Warran iyo wax sheeg iyo qaar kale oo badan. Dambaabi maayo haddii aan idhaa, qaamuus buu ahaa Afka iyo dhismihiisa dhud-dhud iyo dheg-dheg u raacay!
Gaadhigiisa, waxa uu ka soo istaadhayaa oo isteerinka ka soo qabsanayaa, duullimaadyadii reer galbeedku waddamada soo koraya ay ku ugaadhsanayeen toddobaatanadii ilaa siddeetannadii. Waddamo yar yar oo cagta la mariyay ka dib waxa uu cagta soo saarayaa mid kale oo agtooda ah aseenay dhawdhawduba u dhacsanayn, oo isagu durduro cirka iyo dhulka dhexdooda iskugu bixinaya. Waakan u degay, oo isagoo gacanta ugu fiiqaya  jaalkiisii oo agtiisa lagu sadqeynayo, yidhi;
 
"Warraaqa baxaayi waa gob
Waxyeeliyo dhib aan samaynin
Waddada lagu haysto fiican
Waxaa lagu yidhi wareeggan
Anuu wakhti ila hayaaye
Sidayda ha welecsamaanin
Wankeyga cadoow ha naaxin!”
Sidii uu u soo socday waakan ku soo baxay Soomaalidii oo is cuntay oo baabah iska dhigtay oo aan kuu taliyo iyo ii talin maysid eedday. Cabbaar markii uu dhawray, waakan duqii oday biiqay isaga oo kambadhuudha meel oli ah uga gacan haadiyay. Ku baydh.
 
Dantayda anoo asiib leh
Anoo aramida dawee leh
Anoo cuqdad iyo nac maydh leh
Abaar iyo omos basaasan
Anoo oomane ka guur leh
Anoo arad doog leh gaadh leh
Anoo bulshada u adeeg leh
Anoo abshir iyo barwaaqo
Aqoonta ku caano sii leh
 
Waxaaa oli iiga yeedhay
Duqii oday biiqay oo leh
Wuxuu yidhi ‘Inan ragoowah’
Dhulkoo ragga abadh jarkiisa
Mindida lisinku u afeeyo
Ayaan nafta oolinteeda
Awooday ilaalinteede
Sidee imikoo adduunka
Ragoow addinka aad ku hayso
Sidee noloshu u irdhawday?
Sidee qofka aayar aayar
Ilaaq loogaga dhameeyey?
 
Oday biiqay waa uu sii wadayoo, kuye;
 
Markay carrabka iyo uurka
Afkaartoodu is-khilaafto
Markay qof ujeedo leexsan
Siduu doono u ahaato
Markay xaqa eheladiisu
Ab-haysi u maaro waydo
Markuu qof xumaan arkaaya
Wax sheega ka aamusnaado
Markuu ubadkaad rabbaysay
Naftaadu ku eedanaato
Ahaatay dhamaad adduune
Xaqiiqada aadisteeda
Adkaysi ha loo lahaado
 
Wax uu soo socdaba waa uu ka imanayaa siyaasad adduun iyo mid dalba wareerkooda. Waxa uu u soo degayaa siyaasadda dhismaha qoyska. Waa halka ay umadi ka unkanto. Iyana heshiis ma la yahay, toloow? Waxa uu cagta soo saarayaa, Maxkamad gabdhihii ay Muddici yihiin raggiina Mudaacaleeygii. Dumarkii oo markan maahmaahdii ahayd ka dhigay "Wixii Xumba Aadan baa leh” ragiina sutti gaashaan!
Rag;
Waxa raanta loo feedhayaa, waa rag
Waxa cadarka layskugu rushaa, waa rag
Waxa fiidka loo roorayaa, waa rag
 
Dumar
Kuwa quruxda nagu raacayaa, waa rag
Markaan raanwisno-na naga ordaa, waa rag
Rasmi iyo kuwaan aayo rabin, waa rag.
 
Markii uu arkay Quruumihii oo is diidan, Qaran kala quus qaaday oo ay ilaa qoyskii marayso xifaaladu, waakan Faduuli shanfaroodleba dhaaf tidhi. Waakan Jin iyo Jaan bal iyana caqli ka day is yidhi; Kuye:
 
Jacayl baa iga tabsaday
Janbaa keeno igu xidhay
Jujuub bay igu wadaan
Jihaan u socdaan an rabin
Jid baan marayaa dhib badan
Jin baan hagbad kula jiraa!
Cirfiid baan jaalle nahay
Jaan baan la xisaabtamaa
Sagaal jirjiroolayaal
Ayuunbaan' jiid irmaan!'
Shax aan jareheedu dhicin
Hawaawi ku wada jillaa
Juxaan talo siinayaa.
 
Jin iyo Insiba wacdigoodii markii uu sacabbo madhan ka keenay, ayuu isagu isku soo baxsaday. Adduunyo xumaan moogiye wanaag sacab loo tumaa uu beri hore allaystay ayuu ku cago go’ay! Waakan Isagii is faray in uu wacdiga isku fillnaysiiyo.
 
Nafteydaay Hoos u Hadal
Haye-da baro iyo qushida
Heshiis la ahaw wakhtiga…
 
Af-gudhiye, nin caynkaas ah buu ahaa. Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyo. Halkaa ha inoo joogto, waa inoo qaybo ka mid ah Suugaantiisa.”
 
La Soco…
Abdirasak Salah.

Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured