"Wiil habaryartay rumii dhashay oo Axmed Garaad ah, iyo wiil abtigay rumii dhalay oo Reer Daahir ah" Waxa Qoray Aw Guudcadde
"Wiil habaryartay rumii dhashay oo Axmed Garaad ah, iyo wiil abtigay rumii dhalay oo Reer Daahir ah oo labaduba, sida la dhaho,
"gaashaanqaad” ah, ayaa midiba jaho ka soo jeedaa oo qori daxalaystay oo maskax daxalaysatay ay ku talisay uu la haliilayaa. Cidina iga ma dhaadhicin karto labadaa nin ee walaalahay ahi waa isu cadaw.
Kal hore waxa Laascaanood ka qaxay boqollaal kun oo ay ka mid yihiin toddobo carruur ah oo aannu habarwadaag ruma nahay oo habaryartay ay dhashay oo noloshooda watey. Waxa askarta qixisay ka mid ahaa nin ay hooyaday magaca afraad isugu yimaaddaan. Ma aqbali karayn in waxaasi uu yahay wax aan ka ahayn dagaal sokeeye oo caqli xun oo talinaya uu hindisay dabadeed mid kale uu la qaatay. Maantana tii uun baa taagan.
Iyada oo aanay sina macquul u ahayn in aan ku farxo dad is laynaya, ayaan haddana qunbacasho uun ka sii qaadaa kolka la dhaho Dhulbahante iyo Isaaqa bari baa cid iska dilay. Waayo meel kasta oo labadaa reer ay degaan cid aannu wax dhow isu nahay baan ka garanayaa oo marka ay u yar tahay waxaan xasuusanayaa dersinka aannu ilmaabti iyo habarwadaag ruma nahay oo aan ogahay in ay dabkaa ku shubmayaan ee Reer Yuusuf, lixda carruur ah ee aan abtiga ruma u ahay ee walaashay dhashay ee Cali-Geri; qoyska ballaadhan ee reer Cali-Geri ee ka farcamay awoowahay Cali-Qamar oo ay dhashay hooyaday eeddadeed ruma, Qamar Sii’arag; siddeedda qof ee aannu habarwadaagga ruma nahay ee Hagar Aadan: aayaday oo ay aabbahay carruur isu leeyihiin dadka la dhashay ee badan ee Wacays Aadan; toddobada kale ee aannu habarwadaagga ruma nahay ee Bahararsame. Kolka qof la soo sheegaba waxaan geeriyoodaa kun goor.
Ma jiro wax alla wax iga galay in aan labo nin oo aannu habarwadaag ruma nahay oo kala qabiil ah ku idhaahdo midkood waaryee adigaa khaldan oo MUDAN in la dilo. Waayo midkoodna u ma qalmo in la dilo. Waxaan doonayaa in qoyskayagaa ballaadhan ee Dhulbahante iyo Habar Jeclo uu nabad ku daaqo, oo xilliyada barwaaqada aan sidii waaya’waayo u caano doonto jiiddaa taxan Ballidhiig, Coodanle, Xadhadhanka ilaa Buuhoodle. Haddii ay siyaasad ahaan is diidaan waxaan ogahay in ay nolol ahaan wada jiri karaan. Weligoodba way wada dhaqnaayeen.
Waxa ii raaca saaxiibbada aadka u wanaagsan ee aan ku leeyahay ugu yaraan jufo kasta oo Dhulbahantahaas iyo Habar Jecladaa Hawdka ah, oo marka aan ka fekero xaaladdaas, ay i hor yimaaddaan qoysaska badan ee isku jira ee iyaguba ay leeyihiin ee colaaddaa ay ku waayi karaan.
Meel aanan hagaag u taaban karin baa i damqata kolka aan arko qof baraha bulshada si dhayal leh isaga soo qoraya: qoladaa waannu ka adkaannay oo waa la dubanayaa. Waa mid ka mid ah sababihii waaweynaa ee aan Faysbuug ugu soo noqon waayay kolkii aniga oo ka maqan uu qarxay dagaalkii Laascaanood. Waayo waxaan ogaa in kii la soo sheegaba aan la dhiman doono, afxumada aan iska sii garanayay in hawada la isu marinayana aanan u adkaysan karin. Waana sababta aan ilaa dorraad bartaydan uga guray dad edebdarradaas soo qorayay oo labada reerba leh.
Dadka qaar waxa laga yaabaa in aanu macne sidaas ah u samaynin waxa laga wado EHELNIMADU. Anigu se waan dhadhamiyaa kol kasta oo uu daato dhiig Dhulbahante ama mid Habar Jeclo.
War ilmaabtiyaal, habarwadaagayaal, abtiyaal, naaska ina walaaleeyay baan idin ku abhiyay e, dagaalka joojiya oo idinka oo aan caddaaladda ka tegayn haddana wadajirka heer bulsho eexaysta. War anigu ma rabo in hooyaday, walaashay, habaryartay, aayaday, iyo abtigay midkoodna uu goblamo.
War intiinna aan furinta joogineeyna joojiya colaadda sokeeye ee aad baraha bulshada ka hurinaysaan. War baaqyada hagaagsan ee nolosha ku yeedhaya jaanis ha la siiyo. War intii hadhow xabaalaha lagu dul heshiin lahaa, iminka xerada geela caano ha lagu wada dhamo!” Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Wiil habaryartay rumii dhashay oo Axmed Garaad ah, iyo wiil abtigay rumii dhalay oo Reer Daahir ah" Waxa Qoray Aw Guudcadde
"Wiil habaryartay rumii dhashay oo Axmed Garaad ah, iyo wiil abtigay rumii dhalay oo Reer Daahir ah oo labaduba, sida la dhaho,