ILAAHAY Wanaagsannaa Waa Kaa Ka Hadashiiyeyba!

0
Friday November 08, 2024 - 19:15:24 in by xasan siyoore
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ILAAHAY Wanaagsannaa Waa Kaa Ka Hadashiiyeyba!

    Waxan qormadan koban ee ciwankeedu yahay Illahay wanaagsana waa kaa ka hadashiiyeyba!! doonayaa in aaan kaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan qormadan koban ee ciwankeedu yahay Illahay wanaagsana waa kaa ka hadashiiyeyba!! doonayaa in aaan kaga
 hadalo oo kaga jawaabo labadan Su'alood ee halkan kaga muuqda ee kala ah:

KOW Maxaa Beenta Looga Sheegaayay Reer HORSEED Ee Loo Lahaa haddi aanu Xisbiga Kulmiye nahay Codka Urur siyaasadeedka HORSEED baanu Siinaynaa?

LABA Hadiiba Xisbiga Kulmiye labada Codba Wada Rabo Sow Khiyaano Cad Maaha oo Urur siyaasadeedka HORSEED lagu la kacay?

JAWAABTA Su'aasha kobaad 

Xisbiga Kulmiye hogaankiisa Sare mar na laga ma hayo BALAN-QAAD tageero oo Xisbiga Kulmiye  leeyahay codka urur Horseed baanu Siinaynaa. Marka arinku halkaa maraayo sow meesha kama baxayso in aanay jirin wax been ah oo Xisbiga kulmiye u sheegay Reer Horseed. 

Haddab BALAN-QAAD BEEN ABUURKA ah aya ka sheegay kulmiye in uu fidiyey balan qaad tageero, sidoo kale aya ka dib balan qaadkaa been abuur ah gaadhsiiyey tagerayaasha urur siyaasadeedka Horseed.?

Tageerayaasha urur siyaasadeedka Horseed waxa BALAN-QAADKAA been abuurka ah u sheegay oo waliba ilaa maanta sii wada siyaasiyiin xilal ka haya xukumada kulmiye ee ka soo Jeeda waliba degaanka ama beesha gudomiyaha urur Horseed.

Ujeedada kaliya ee ku kaliftay in ay shegaan BALAN-QAADKAA been abuurka waxaa weeye madaama siyaasiyiintan muxaafidka degaan doorashadoodii ay kaga adkadeen siyaasiyiin tageero wayn u haya musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa ku kaliftay in ay musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye u sameeyaan tageero gacan ku rimis ah oo ay fagaareyaal waawayn ka sheegaan ilaa maanta sii wadaan  madama musharax madaxwayne ee Kulmiye degaankiisu ina siinayo codka ururka Horseed idinkuna abaalkaa ku celiya in aad codka labaad ku doorataan musharaxiisa madaxwayne ee xisbiga kulmiye.

JAWAABTA Su'aasha Labaad

Xisbiga kulmiye iyo musharax xisbigood ahna madaxwaynaha wakhtiga muddo kordhinta ku fadhiya kuriga aanu wax khiyaamo ah ama been abuur siyaasi ah uu sheegay reer Horseed iyo tageerayaashood ma jirto oo waa kuwaa xalay iyo maantaba labadan masuul sidan ku cadeeyeen warkood kala ah: 

"Codka Koowaad waxa iska leh Kulmiye, kan Labaadna waa Kulmiye, laakiin Ururada Horseed iyo Hillaac Waynu jecelnahay saw maaha” Samaale Gudoomiyaha 1aad ee Xisbiga Kulmiye.

"Muwaadin waxaan kaa Codsanayaa in aad codkaaga Xisbi ahaan u siiso KULMIYE sidoo kalena u codayso Musharraxiintiisa,..Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye 

Hadaba Su'aasha is waydiinta mudane ee aan ilaa imika jawaabta u la'ahay waxaa weeye sababta siyaasiyiintaa Xilalka ka haya xukumada kulmiye 
ay ilaa imika BALAN-QAADKAA been abuurka ah ee gacan ku rimiska ah u sii wadaan ee ay dadka  tageerayaasha ugu badan ee urur Horseed iyo gudoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed ka soo wada jeedaan degaan doorasho isku mid ah?

Yuusuf Soraan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured