Maxamuud Xaashi Cabdi: Siyaasi Salka kasoo Fuulay Siyaasadda Somaliland ilaa uu Gaadhay Gifta.

0
Sunday December 08, 2024 - 00:24:43 in by xasan siyoore
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Cabdi: Siyaasi Salka kasoo Fuulay Siyaasadda Somaliland ilaa uu Gaadhay Gifta.

    Maxamuud Xaashi Cabdi waa shaqsi muhiim ah oo ka dhex muuqda siyaasadda casriga ah ee Somaliland, isagoo ka mid ah kuwa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamuud Xaashi Cabdi waa shaqsi muhiim ah oo ka dhex muuqda siyaasadda casriga ah ee Somaliland, isagoo ka mid ah kuwa
 ugu saameynta badan ee ka soo baxay bulshada ku dhaqan gobolka Geeska Afrika. Waa siyaasi aqoon u leh dadka, dhaqanka, iyo degaanka, kana mid ah haldoorka ugu firfircoon ee dalka soo maray.

Bilowga Safarkiisa Siyaasadeed
Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu ku bilaabay halgan nololeed iyo mid siyaasadeed oo uu kaga soo bilaabay heer hoose. Xilligii burburka iyo dib-u-dhiska Somaliland, wuxuu ahaa maayarka magaalada Burco, waana xilli adag oo loo baahnaa hoggaan adag. Maayarnimadiisa ayaa ahayd mid ka tarjuntay hufnaan iyo hal-abuur lagu dhisayo mustaqbalka magaaladiisa, taas oo fure u noqotay magaciisa siyaasadeed.

Xildhibaan iyo Aasaasaha Xisbiga Kulmiye
Markii uu xilkii maayarka kasoo baxay, Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu ku biiray golaha wakiillada Somaliland isagoo matalayay bulshada Burco. Intaas kadib, wuxuu door weyn ka qaatay aasaaska xisbiga Kulmiye oo markii dambe noqday xisbi qaran. Wuxuu ka mid ahaa hormoodkii doorashada madaxtooyada 2003, isagoo gacanta midig u ahaa madaxweynihii dambe ee Axmed Maxamed Siilaanyo. Inkastoo doorashadaas uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu sii watay halganka Siyaasaddeed, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray mucaaradnimadii soo celisay Talladda Xisbiga KULMIYE.

Wasiir Hufan oo Kartidiisa Lagu Xasuusto
Markii Axmed Siilaanyo noqday Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu ka mid noqday Wasiirradda ugu saameynta Baddan xukuumaddaas. Wuxuu qabtay xilal muhiim ah sida wasiirka duulista iyo wasiirka madaxtooyada, isagoo si hufan uga soo baxay mas’uuliyadahaas. Waxqabadkiisa xukuumadeed waxaa lagu xasuustaa sidii uu ugu hawlanaa horumarinta adeegyada dadweynaha iyo sugidda sharciga.

Khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo Dhismaha Ururka KAAH Ka dib markii ay soo baxeen khilaafaad siyaasadeed oo ka dhex qarxay xisbiga Kulmiye, Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu noqday mucaarad adag oo ka hor yimid hoggaanka xisbiga. Tallaabooyinkaas ayaa horseeday in laga saaro xisbiga uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa. Si kastaba, khilaafkaasi wuxuu u furay fursad cusub oo uu ku aasaasay urur siyaasadeedka Kaah, kaas oo si weyn u saameeyay siyaasadda dalka.

Isbahaysiga Taariikhiga ah iyo Guusha Doorashada
Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu hogaamiyay isbahaysi taariikhi ah oo uu la galay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoo isbahaysigaasi uu horseeday in xukuumaddii Muuse Biixi talada laga tuuro. Doorashadii ugu dambaysay ee madaxtooyada Somaliland ayaa lagu doortay musharraxa Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, halka ururkii Kaah uu noqday mid ka mid ah saddexda xisbi qaran ee Somaliland, isagoo kaalinta labaad ka galay tirada codadka.

Mustaqbalka Siyaasadeed ee Maxamuud Xaashi
Maanta, Maxamuud Xaashi Cabdi waa guddoomiyaha xisbiga Kaah, waxaana muuqata inuu yahay hoggaamiye saameyn leh oo u dhow inuu gaadho kursiga ugu sarreeya ee madaxtinnimada Somaliland. Waa siyaasi hadal yaqaan ah oo dadkiisa iyo dalkiisa si qoto dheer u fahamsan, una heellan inuu Somaliland gaadhsiiyo horumar waara.

Maxamuud Xaashi Cabdi waa tusaale nool oo muujinaya in daacadnimada, aqoonta, iyo hal-abuurka siyaasadeed ay qofka ka dhigi karto halyey bulshadiisa iyo dalkiisa ah. Somaliland waxay leedahay hogaamiye ay ku faanto, kana sugto isbeddel dhab ah oo lagu xoojinayo himilooyinka qaranka.

Qr/Eng Baradho


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured