![]() Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Si Toos Ah Uga Dambaysay Dagaalka Siyaasaddeed Ee Ay Dowladda Kenya Kula Kacday JSL
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Si Toos Ah Uga Dambaysay Dagaalka Siyaasaddeed Ee Ay Dowladda Kenya Kula Kacday
Somaliland, xilli uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan Nayroobi.
Ujeedada Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisu ka leeyihiin arrintan waxa ay salka ku haysaa cadhadii ka dhalatay qaabkii maamuuska iyo aqoonsi ahayd ee uu Imaraadku ugu qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo shirarkii caalamiga ahaa ee halkaas ka dhacay.
Waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in xilal sare oo muhiim ah ay dowladda Kenya ka hayaan siyaasiyiin kasoo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo cadaadis siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ku haya in aan Somaliland loo muujin maamuuska ay mudan tahay.
Faarax Macalin, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu awoodda badan Kenya, ayaa ah shaqsi si cad uga soo horjeeda madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland kaas oo dhawr jeer dagaalo siyaasi ah la galay.
Waraaqda ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Keniya waxay ahayd jawaab toos ah oo ku aaddan waraaq uu maamulka Xamar u diray dowladda Kenya, taasoo lagu diiday in si sharaf leh loo qaabilo wafdiga Madaxweynaha Somaliland.
Sidaa darteed, waxaa waajib ku ah Xukuumadda Somaliland iyo weftiga Madaxweynaha in ay si degdeg ah uga falceliyaan dagaalkan siyaasadeed ee ay labada dhinac (Xamar iyo Nairobi) iskula kaashadeen si loo wiiqo sumcadda iyo jiritaanka Somaliland.
Xigasho BURAALE. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Si Toos Ah Uga Dambaysay Dagaalka Siyaasaddeed Ee Ay Dowladda Kenya Kula Kacday JSL
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Si Toos Ah Uga Dambaysay Dagaalka Siyaasaddeed Ee Ay Dowladda Kenya Kula Kacday