Deg-deg: General Maxamed Siciid Xirsi (MOOR-GAN) Oo Hadda Ku Geeriyoodday Magaaladda Nairobi Ee Caasimadda Dalka Kenya.

0
Wednesday May 28, 2025 - 17:33:57 in by Super Admin
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg-deg: General Maxamed Siciid Xirsi (MOOR-GAN) Oo Hadda Ku Geeriyoodday Magaaladda Nairobi Ee Caasimadda Dalka Kenya.

    Nairobi (QMN)- Rabbi Ha U Naxariistee General Maxamed Siciid Xirsi (MOOR-GAN), Ayaa Hadda Ku Geeriyoodday Cisbitaalka Ku Yaalla Magaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi (QMN)- Rabbi Ha U Naxariistee General Maxamed Siciid Xirsi (MOOR-GAN), Ayaa Hadda Ku Geeriyoodday Cisbitaalka Ku Yaalla Magaaladda
 Nairobi Ee Caasimadda Dalka Kenya.

General MOOR-GAN, Ayaa Geeriyoodday Maanta, Kaddib Markii Uu Xaalad Caafimaad Darro Awgeed U Yaallay Maalmihii U Dambeeyay Cisbitaalka Ku Yaalla Magaaladda Nairobi Ee Caasimadda Dalka Kenya.

General MOOR-GAN, Ayaa Ka Mid Ahaa Taliyeyaashii Ciiddanka Ee Xukunkii Kacaanka Ee Milaterigu Hogaaminayey General Maxamed Siyaad Barre.

General MOOR-GAN Oo Uu Madaxweyne General Maxamed Siyaad Barre SODDOG U Ahaa,  Ayaa Noqday Taliyihii Qaybta 26-aad Ee Gobolladda Waqooyi Sannaddihii 1986-kii, Ilaa 1988-kii Oo Ay Si Rasmiya U Burburtay Xukuumaddii Kacaanka Ee Milaterigu Hogaaminayey Ee Soomaaliya.

General MOOR-GAN, Ayaa Lagu Xusuustaa Dabar-goyntii Iyo Xasuuqii Loo Geystay Shacabka Reer Somaliland Muddaddii Uu Hayey Xilka Taliyaha Qaybta 26-aad Ee Gobolladda Waqooyi Sannaddihii 1989-kii, Ilaa 1990-kii, Xilligaas Oo Ay Soo Af-jartay Xukuumaddii Kacaanka Ee Milaterigu Hogaaminayey Ururkii Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed Ee SNM. Kuwaasoo Keenay Xoriyadda Iyo Dawladnimadda 34 Jirsatay Ee JSL, Isla-markaanna Ummadda Reer Somaliland Ku Naalloonnayaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured