Shaqaalahihii Xarunta Xisbiga WADDANI Oo La Dareeriyay!

0
Wednesday May 28, 2025 - 23:17:37 in by Super Admin
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalahihii Xarunta Xisbiga WADDANI Oo La Dareeriyay!

    Hargeysa (QMN)- Shaqaalihii Xarunta Xisbi xaakimka WADDANI, ayaa laga joojiyay shaqada iyo mushahaarkiiba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Shaqaalihii Xarunta Xisbi xaakimka WADDANI, ayaa laga joojiyay shaqada iyo mushahaarkiiba.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii hore la kulmay shaqaalaha waxaanu u sheegay in ay u shaqo tagaan xukumadda ka dhalatay xisbiga. 

Shaqaalaha ayaa ku dooday in la sugo inta fursado shaqo soo baxayaan laakiin, guddoomiyaha ayaa u muuqda in uu go'aankiisa ku socday waxaana shaqo la'aan ah hadda shaqaalihii rasmiga ahaa ee muddada dheer ka soo shaqeeyay Xarumaha Xisbiga.
   
 Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhawr bilood u dul qaadan waayay shaqaalihii xisbiga tacabka soo gashaday xilligan oo aanay jirin fursado shaqo oo xukumadda WADDANI weli abuurtay maaddaama ay muddo kooban joogtay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa durba Dib u habayn ku bilaabay Xisbiga, isaga oo si ku meel gaadh ah xaruntii Xisbiga ugu raray Degmadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa.

Xigasho Najax Cunaaye.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured