![]() Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Oo Kulan Mihiim Ah La Yeeshay Madaxda Sare Oo Ka Tirsan Ha'yadda UNICEF.
Hargeysa (QMN)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan
Geeljire oo ay wehelinayaan qaar kamid ah saraakiisha sare ee wasaaradda, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Abigail Tevera iyo Suhur Qaasin oo ka tirsan madaxda sare ee hay’adda UNICEF.
Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Deegaanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac. Waxa si gaar ah looga wadahadlay bilowga bog cusub oo ku saabsan wadashaqeyn dhaxalgal ah oo la xidhiidha arrimaha Fayo-dhowrka, Isbedelka Cimilada iyo Cilmi-baadhista, kuwaas oo door weyn ka qaadan kara horumarinta adeegyada deegaanka iyo badbaadada bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladu wuxuu carabka ku adkeeyay sida ay wasaaraddu u daneynayso una soo dhaweynayso iskaashi joogto ah oo dhex mara hay’adda UNICEF, isagoo sheegay in wadashaqeyntani ay fure u noqon karto horumar waara oo laga gaadho la tacaalidda saameynta isbedelka cimilada iyo kor u qaadida bilicda iyo fayadhowrka deegaanka.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn isla qaatay in si dhow looga shaqeeyo dhismaha qorshayaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo deegaanka iyo nolosha bulshada Somaliland. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Oo Kulan Mihiim Ah La Yeeshay Madaxda Sare Oo Ka Tirsan Ha'yadda UNICEF.
Hargeysa (QMN)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan