![]() Maraykanka Oo Somaliland Ka Reebay Dalalka Afrika Ee Lagu Soo Rogay Xayiraadda Socdaalka
Washington (QMN)- Dawladda Maraykanka ayaa ka reebtay khariirada Jamhuuriyadda Somaliland 19 dal oo Afrikaan ah oo ay ka
mamnuucday in dadka sita Baasabooradoodu ay socdaal ku yimaadaan waddanka Maraykanka.
Dalalkan Afrikaanka ah ee laga mamnuucay socdaalka dalka Maraykanka ayaa isugu jira 12 dal oo la saaray xayiraad dhammaystiran iyo 7 Dal oo la saaray xayiraad xadidan.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa 4-tii bishan barahooda bulshada ku daabacay khariirada Soomaaliya iyo dalalka kale ee socdaalka Maraykanka laga mamnuucay, waxaana ay ka reebtay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo xasiloon isla markaana ay ka jirto dimuqraaddiyad iyo dawladnimo shaqeynaysaa.
Waxa tan iyo markii uu Maamulka Maraykanka la wareegay madaxweyne Donald Trump, aad u kordhay dhaqdhaqaaqyada ku wajahan in Maraykanku aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo noqon karta xulafo muhiim ah oo Maraykanka ka taageeri karta ka hortagga saamaynta Shiinaha ee mandaqada Geeska Afrika iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah oo si joogto ah iskugu fidinaysa dalka fashilmay ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa socdaal qaatay laba toddobaad kaga soo laabtay Washington, waxaannu la kulmay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Maraykanka, masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo xeeldheereyaasha machadyada siyaasadda jaangooya oo uu kala hadlay sida loo sii xoojin karo iskaashi ballaadhan oo dhex mara dalalka Somaliland iyo Maraykanka.
Sidoo kale, waxa maamulka xukuumadda madaxweyne Trump ku sii xoogaysanaya diblomaasiyiintiisa waaxda Arrimaha dibadda ee sida joogtada ah ugu baaqaya in Maraykanku ictiraafo Somaliland oo ah waddan xasiloon oo ka hano-qaaday dimuqraaddiyad naadir ku ah mandaqada Geeska Afrika. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Maraykanka Oo Somaliland Ka Reebay Dalalka Afrika Ee Lagu Soo Rogay Xayiraadda Socdaalka
Washington (QMN)- Dawladda Maraykanka ayaa ka reebtay khariirada Jamhuuriyadda Somaliland 19 dal oo Afrikaan ah oo ay ka