Xukuumadda JSL Oo Shaacisay Inay Aqoonsigii Kala Laabatay Soomaaliya.

0
Saturday June 07, 2025 - 20:38:27 in by Super Admin
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda JSL Oo Shaacisay Inay Aqoonsigii Kala Laabatay Soomaaliya.

    Hargeysa (QMN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay aqoonsigii kala noqotay Soomaaliya oo ay hadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay aqoonsigii kala noqotay Soomaaliya oo ay hadda
kadib ugu yeedhayso "Maamulka Soomaaliya."

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA; waxana xukuumaddu  ay naqdiyay sheegashada aan salka iyo raadka lahayn ee maamulka Muqdisho, oo si aan sharciyad iyo taariikh midna ku fadhiyin  u sheegata Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxa ay sheegtay in Somaliland ay ahayd qaran madaxbannaan oo 26kii June 1960kii xornimadeeda ka qaadatay Ingriiska, isla markaana ay aqoonsadeen 35 dal.

Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay bayaamisay in midowgii Somaliland la gashay 1960kii Soomaaliya aan la ansixin oo shacbiga Somaliland afti ku diideen sannadkii 1961kii. Waxaanay xustay in arrintaasi ay ahayd  wixii uu ka dhashay  xasuuqii loo geystay  shacbiga Somaliland, taasi oo keentay in 1991kii Somaliland dib ula soo noqoto madaxbannaanideedii.

Xukuumadda Somaliland waxa ay cambaareysay khariirad ay baahisay BBC-du oo ka dhigaya Jamhuuriyadda  Somaliland inay qayb ka tahay Soomaaliya. Waxana ay iftiimisay in khariiradaasi ay wax u dhimayso madaxbannaanida qarannimada  Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay ugu baaqday idaacadda BBC-da maadaama oo ay tahay warbaahin caalamiya inay dhawrto sugnaanshaha wararka.

Waxa kaloo ay BBC-da ku boorisay inay khariiradaas ka saaraan warbaahuntooda, isla markaana  saxaan iyo inay yaqiinsadaan madax bannaanida xudduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured