![]() "Odaynimo iyo Dulqaad Siyaasadeed: Doorashaddii Kadib iyo Doorkii Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha JSL. W/Q: Abdirahman Saeed.
Markasta oo ay dhacaan doorashooyin, gaar ahaan kuwa madaxtooyada, waxaa lagama maarmaan ah in dowladdu la timaaddo
degenaan iyo dulqaad si ay uga hortagto kala shaki iyo kacsanaan bulsho. Waxaana tusaale cad u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somaliland Mud Cabdale Moh'ed Carab oo si waayeelnimo, karti iyo xilkasnimo leh uga soo baxay waajibaadkiisii qaran ee marxaladdii adkayd ee doorashadii kadib.
Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay waxay keentay dareenno kala duwan oo bulshada dhexdeeda ah, waxaana dhashay xanaaq iyo xamaasad ay muujiyeen qaybo bulshada ka mid ah, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka. Si kastaba ha ahaatee, halkii laga filayay fal celin adag ama adeegsiga awoodda amni, Wasiirka Amnigu waxa uu doortay waddada xikmadda, wada hadalka iyo dejinta xaaladda
Waxaa la arkay wasiir si joogto ah ula falgalaya shacabka, u dhegtaagayay cabashadooda, islamarkaana u adeegsaday hab maamul oo nuxurkiisu yahay isu soo dhawaansho iyo xasilin. Waxa uu ka fogaaday isticmaalka xoog ama cabudhin ciidan, isagoo rumaysan in amniga laga sugo faham iyo kalsooni, ee aanu ku iman cabsi gelin iyo amar kaliya.
Intaa waxaa dheer, Wasiirka waxa lagu ammaanay shaqo joogto ah iyo u heellanida qaranka. Ma aha masuul subax kaliya yimaadda xafiiskiisa ee waa hoggaamiye habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amniga guud ee dalka. Waxaa la ogsoon yahay inuu marar badan xafiiskiisa joogo ilaa cawayskii si uu ula socdo xaaladaha ammaanka ee dalka oo dhan, taasoo caddeyn u ah in amnigu yahay mas’uuliyad culus oo u baahan la socod iyo feejignaan joogto ah.
Sidoo kale, doorkiisa dhex-dhexaadnimo ayaa horseeday in laga fogaado isku dhacyo iyo xasilooni darro, isagoo si fiican u miisaamay dareenka shacabka iyo waajibaadka dawladnimo. Xaqiiqdii dadaalkiisu wuxuu qayb lixaad leh ka qaatay, islamarkaana horseeday xasilloonida dalka ka jirta maanta.
Marka aan soo koobo nuxurkana ka hadlo, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu tusaale u yahay in cid kasta oo xil loo dhiibaa, si xilkasnimo leh u gudan karto oo uu ku dayasho mudan yahay. Qaran ayaa ku faani kara masuul u shaqeeya si deggan, dulqaad leh oo aragti dheer. Wuxuu muujiyay in odaynimadu ay tahay mid dhaxal gal ah oo ay tahay in siyaasiyiintu ku daydaan. See less Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Odaynimo iyo Dulqaad Siyaasadeed: Doorashaddii Kadib iyo Doorkii Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha JSL. W/Q: Abdirahman Saeed.
Markasta oo ay dhacaan doorashooyin, gaar ahaan kuwa madaxtooyada, waxaa lagama maarmaan ah in dowladdu la timaaddo